Askarigii dilay Cabdiraxman Cabdullaahi Cusmaan oo toogasho lagu xukumay

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun adag ku riday Dable Xoogga dalka Maxamed Cismaan Maxamed Nuur oo garoon lagu ciyaaro kubadda cagta oo ku yaalla degmada Kaxd saddaxdii January ee sanadkan ku dilay, Allaha u naxariistee marxuum Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cismaan.

Maxamed ayaa waxaa maalin kadib falkaasi gacanta ku soo dhigay ciidamada amniga ee joogo qaybta galbeed, iyagoona ku wareejiyey laanta dambi baarista ee CID-da.

Sidoo kale hay’adda dambi barista Booliska CID ayaa ka gudatay waaajibka baaris ee kaga aadanaa, waxa ayna ku soo wareejisay eedeysanaha  Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida 12/01/2020, Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa isla  xilligaaasi weydiistay garsoorka in loo gudbiyo eedeysanaha xabsiga dhexe garsuge ahaan si’ ay u sameeyaan baaris kale.

Intaas kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa isku howlay baarista sida ay wax uga dhaceen garoonka lagu ciyaaaro kubadda cagta ee ku yaal Degmada Kaxda, waxa ayna bilowgii February codsadeen in la muddeeyo dhageysiga eedda ka dhanka ah eedeysane Maxamed Cismaan Maxamed Nuur.

Labadii bishan ayay Maxkamadda u fariisatay eedda ka dhanka ah eedaysane Maxamed Cismaan Maxamed Nuur, waxaana ugu horreyn la weydiiyay jiritaanka eedda loo heysto in uu ka jawaabo.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku dheeraaday sharaxaadda sida ay wax u dhaceen, Dhamme Ismaaciil Salaad Maxamed ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa u sheegay Garsoorayaasha in eedeysane Dable Xoogga Maxamed Cismaan Maxamed Nuur uusan ka mid ahayn dadka ku ciyaarayay garoonka ku yaal degmada Kaxda,balse uu garab siin ugu yimid wiil ay isku hayb yihiin, waxa uu meesha ka saaray Xeer Ilaaliyaha in wax wada xaajood ah dhex maray dhalinyaradii kubadda ciyaaraysay iyo eedeysanaha balse si’aan ka fiirsasha lahayn uu ugu riday laba xabadood  Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cismaan sidaasna uu ku geeriyooday.

Abuukaataha u dooday eedeysanaha ayaa Maxkamadda u sheegay in dable xoogga dalka Maxamed Cismaan Maxamed Nuur uu u tagay garoonka si’ uu uga fal celiyo walaalkiis oo ciyaarta kubadda looga saaray awood sheegasho, balse markii uu meesha tagay isku daygiisa kala eryidda dhalinyaradii ciyaaraysay iyo xabadhii uu riday ay sababeen dhimashada Marxuumka.

Garsoorayaasha  ayaa dhageysiga dhinacyada kadib go’aamiyay in lagu xukumo Maxamed Cismaan Maxamed Nuur dil toogasha ah oo ah qisaasta Marxuum Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cismaan sida uu u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida,  xukunsanaha ayaa haysta fursad 30-cisho ah oo uu ku dalban karo Rafcaan.