Hargeysa: Caruur walaalo ah oo ku geeriyooday dab ka kacay gurigooda + Sawirro

Hargeysa (Caasimada Online) – Labo caruura oo walaalo ah ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa, kadib markii uu dab naxdin leh qabsaday Gurigoodii oo ku yaalay xaafada Jameecada ee magaalada Hargeysa.

Caruurtan ayaa u geeriyooday dhaawacyo culus oo ka soo gaaray dabkaasi ka kacay gurigooda, xili ay Ciidamada Dab-demiska Somaliland ay ku howlanaayeen daminta dabkaasi.

Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen dad goobjoog ahaa Labadan caruurta ah ee walaalada ah ayaa dhaawacyo culus u geeriyoodeen xili lagu howlanaa bad-baadintooda.

Ciidamada Dab-demiska ayaa ugu dambeyntii ku guuleystay inay damiyaan dabkaasi qabsaday guriga ay ku jireen Labadaasi caruurta ah, kaasi oo ka sameysnaa Jiingad.

Dadka deegaanka oo la hadlay Caasimada Online, ayaa u sheegay inay aad ugu xun yihiin masiibadan ay ku geeriyoodeen labadaasi caruur, iyagoona xusay inay aad uga walaacsan yihiin xaalada la soo daristay qoyska dhalay caruurtaasi.

Ciidamada Dab-demiska oo isku deynay inaan wax ka weydiino dabkaasi galaaftay nolosha labada caruurta ah, ayaa gebi ahaanba ka gaabsaday.