Xog ku saabsan ‘arrin halis ah’ oo aan la garaneyn waxa sababay oo taagan Boorama

Boorama (Caasimada Online) ― Magaalada Boorama ee gobolka Awdal, ayaa muddooyinkii dambe wajaheysay arrin halisteeda leh, midaasi oo ah gubasho is xig-xigtay oo aan la garaneyn wax sababay.

Caasimada Online ayaa baaritaano ku sameysay tirada guryaha mudadii u dambeysay ku shuf beelay gudaha magaalada Boorama, kuwaasi oo ku dhawaa 48-guri iyo weliba 3-gaadhi.

Gubashada is xig-xigta oo mid yaab leh ah ayaa loo aaneyn kareyn dhanka Korontada maadama intii aan ku guddo jirnay baarista arrintaasi aan ogaanay in Meelaha qaar ee gubtay aysan laheyn wax koronto ah.

Waxa sidoo kale intii Caasimada Online ay arrintan ku daba jirtay ay ogaatay Meherado qaarkood lagu shubay Petrol, kuwaasi oo la rabay in iyagana la gubo, balse ay suuroobi weyday markii dambe, isla markaana ay dadkii Meheradu ay ka dhaqeen darbigooda Petrol-kaasi.

Caasimada Online ayaa intii ay ku howlaneyd baadhista arrinkan gubashada la xiriirtay maamulka gobolka Awdal, inkasta oo ay ka gaabsadeen ka hadalka sababaha keenay gubashada is xig-xigtay ee nolol maalmeedka reer Boorama ka mid noqotay, iyo sababah loo soo qaban laayahay dadka ku lugta leh.

Ciidamda Dab-damiska Boorama oo iyaguna ah kuwa inta badan damiya dabka ka kaca magaalada, ayaa iyaguna gebi ahaanba ka gaabsaday in ay nala wadaagaan waxyaabaha sababay dabkaasi, balse ay ku gaabsadeen in la baari doono.

Laamaha amaanka ayaa iyaguna wax war ah ka soo saarin gubashada faraha ka sii baxeysa ee muddooyinkii dambe ka socotay gudaha Boorama, isla markaana aan soo bandhigin dad loo qabtay hal Kiis oo ku saabsan gubashada magaalada.

Sida ay Caasimada Online ogaatay weli ma jiraan khasaare Nafeed oo ka dhashay gubashooyinkaasi, balse waxa jira dhaawacyo fudud iyo khasaare hantiyeed oo lixaad leh, midaasi oo intaasi kasii badan karta haddii ay sii socoto gubashada joogtada ah.

Gubashada Boorama oo gudaha magaalada ka noqotay mid kamid ah nolol maalmeedka halista badan, ayaa maalin kasta laga maqla Meelo gubtay, iyada oo maanta oo Isniin ahna lagu soo warameyey in goordhoweyd uu shuf beelay Hal gaadhi iyo Guri ku yaalay xaafada Saanbeeriya ee gudaha Boorama.