Xildhibaan Jirde oo shaaca ka qaaday damaca Itoobiya ee Baddaha Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) ―  Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo ka tirsan xildhibaanada Golaha wakiilada Somaliland, ayaa si cad u soo bandhigay Damaca dowladda Itoobiya ee ku aadan Baddaha Somaliland.

Xildhibaanka ayaa sheegay in damaca Itoobiya ee xeebaha Somaliland uu yahay mid soo jireen ah oo ay iska daba dhaxleen dowladihii ku kala dambeeyay xilka dalka Itoobiya.

Jirde ayaa sidoo kale ka dhawaajiyey inaysan weli dhiman himiladii Shanta Soomaaliyeed ee uu wadcigu xidhay, isla markaana uu filayo inay isku imaan doonaan iyaga oo xor ah.

Xildhibaanka ayaa ka digay in lagu sirmo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, iyada oo loo maleynayo in uu jecel yahay Soomaalida oo uu wax wanaagsana u wado, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yiri “Dowladda Itoobiya waa dawlad aynnu deris nahay, waana dawlad hindiseyaal soo jireen ka leh mandaqadda, himilooyinka caynkaas ahina ma dhintaan oo kolba dawladda timaada ayaa  wadciga la socodsiisa dadka oo siday wax uga badalayso se wax dhinta maaha”.

“Arrinta ah in Itoobiya doonayso xeebaheena wax qarsoon maaha. Inagaba himilooyinkeenu may dhiman oo Soomaali-weyn inagamay dhimanin, shanti Soomaaliyeed inagamay dhimanin ee wadcigan uun baa xidhay, waxaana aanu filaynaa maalin ka mid ah in shanti oo xor ah ay isa soo doontaan oo waa wax aan dhimanin, himilooyinka caynkaas ahina ma dhintaan”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Markaa Abiy baa adeerkeen ah oo ina jecel oo wax wanaagsan inoo wada waa wax la sahashanayo, waana waxyaabaha lagu sirmo weeye, waxaynu u baahanahay ilayn khubaro waa aynnu lee nahee in la yidhaa cilmi-baadhisyo ka soo saara iyo qorsheyaasha aynnu kaga badbaadaynno waxaa mandaqadda ka socda”.