Xog: Siyaasiyiinta Hawiye ee Kheyre taageersan kuna jira DF oo caawa ku shirsan Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in caawa wasiirrada,  xildhibaanada iyo Senator-ada beelaha Hawiye, kuwooda muxaafidka ah, uu shir uga socdo Hotelka Maa’ida (Ex Naasa-hablood) laba oo ku yaalla afaafka hore ee madaxtooyada Soomaaliya.

Xubnaha ku shirsan halkaas waxaa la sheegay in uu hoggaaminayo wasiirka amniga xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale, isla markaana kulankaas looga hadlayo ka mid noqoshada xisbi ay yeelato Nabad iyo Nolol ee Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo in uu Kheyre isku soo taago xilka Madaxweynaha Soomaaliya marka la gaaro sanadka 2021-ka.

Xubnaha iskugu yimid kulankaas ayaa ah kuwo taageersan Ra’iisul Wasaare Kheyre, waxayna ka baaraan degayaan sidii ay ku suurta geli laheyd in Kheyre uu isi soo sharaxo, markii lagaaro waqtiga doorashada Soomaaliya, iyadoo ay xusid mudantahay in horay madaxweyne Farmaajo uu u sheegay in ay soo wada dhisa doonaan hal xisbi oo weyn, kaas oo ay uga qeyb gelayaan doorashada soo socota.

Horay siyaasiyiin iyo ganacsato ku beel ah Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa olole taageero loogu raadinayo uga billaabay magaalada Nairobi, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in xubnaha ololahan wada ay ku jiraan xildhibaano iyo qaar ka mid ah ganacsatada ugu caansan Muqdisho.

Xubnahan ayaa la kulmaya ganacsatada Soomaalida ee Nairobi, oo ay ku jiraan kuwa kasoo jeeda deegaanada Soomaalida ee gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre weli si rasmi ah uma shaacin inuu yahay musharax, hase yeeshee waxaa aad loo rumeysan yahay inuu sidaas damacsan yahay, waxaana dadaallada socda ay horudhac u yihiin qorshaha uu ku xaqiijinayo taageero xooggan ka hor inta aanu ku dhowaaqin musharaxnimadiisa.

Dadaallada ay wadaan xubnaha ku beesha ra’iisul wasaare Kheyre ayaa la rumeysan yahay inaysan ku dooneyn kaliya dhaqaale ‘ Waa ay heli karaan dhaqaale ku filan’ balse waxa ay raadinayaan taageero siyaasadeed.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa muddo laga sugayey inay ku dhowaaqdo xisbiga ay uga qeyb-galeyso doorashooyinka dalka ka dhacaya, basel weli waa ay ku guuleysan la’dahay. Mid ka mid ah sababaha ugu weyn ayaa lagu sheegay in Kheyre uu diidan yahay inuu qeyb ka noqdo, inkasta oo madaxweyne Farmaajo uu sheegay inuu ka mid noqonayo.