Askarigii feeray Boqore iyo hadalkii saameynta lahaa ee ilaaladiisa (Daawo)

Muqdisho (Caasimadda Online) – Kooxo hubeysan ayaa Shalay Galab dilay Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo ahaa Xildhibaankii ugu da’da weynaa Baarlamaanka 10-aad ee Soomaaliya.

Allaha u naxariistee Xildhibaanka ayaa lagu xasuustaa hadalkii qiimaha lahaa ee uu ka jeediyey kulankii uu Baarlamaanka Soomaaliya 17  September 2018 ku yeeshay Muqdisho kaasoo looga hadlayey Arrimaha Ciidamada.

Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore ayaa kulankaas ka sheegay in aan wax amni ah laga sugeynin askar mushaarkoodu yahay $100, oo xitaa aan boqolkas si joogta ah loo siinin.

Boqore waxaa uu tusaale usoo qaatay qarashka wax looga cabo ama looga cuno hoteelada ay fariistaan madaxda sida Hotel Jaziira, taas oo muujineysa in qidmada maalin qura ku baxda madxda iyo mushaarka bilaha ee askariga iney isla egyihiin.

Waxaa uu tusaale usoo qaatay mid ka mid ah askarta ilaalisa oo u gacan qaaday, taas oo sababta in xildhibaanka la dhigo isbitaalka Digfeer ee Muqdisho.

“ Mid ka mid askarta i ilaalisa ayaa feer ila dhacay, anoo xanuunsan ayaa la ikeenay guriga gudoomiyaha , lama yaabin inuu askarigaas ii gacan qaaday sababtoo ah wax aan ogahay sida uu ku shaqeeyo iyo in wixiisii yaraa aanu dhowr bilood helin, maalin dhexe gudoomiyaha ayaan labo bilood oo mushaarkiisa ah uga qaaday ayuu yiri Boqore.

Waxaa uu sheegay in aan amni jirin, isagoo ku dooday in askartu ay nolol u baahan yihiin, xaasas iyo caruur lee yihiin , oo laga rabo biil, caafimaad iyo waxbarasho waxaana uu soo jeediyay in marka hore ciidamada la daryeelo oo mushaarka loo badiyo hadii ami laga rabo Muqdisho.

Hadalkaas ayaa noqday midkii ugu saameynta badnaa oo uu Boqore ka jeediyo Xildhibaanada sanadkii tagay ee 2018.

Allaha u naxariiste Boqore ayaa Maanta lagu aasay Magaalada Muqdisho.

Halkaan hoose ka daawo Muuqaalka

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com