Askarta DF oo arrin cusub oo cabsi leh ka bilaabay Muqdisho (Maxaa dhacay)

Muqdisho (Caasimada Online) – Warka  aan ka heleyno Xaafada Towfiiq ee Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir, ayaa sheegaya in Askari ka tirsan Ciidamada Dowlada Federaalka Somalia gaar ahaan kuwa Militeriga uu dhac u geystay gaari shacab.

Wararku waxa ay sheegayaan in Askariga uu taagnaa Agagaarka Isbitaalka Carafaad waxa uuna gacanta u taagtay gaari nooca raaxada ah oo uu watay wiil dhalinyaro ah, waxa uuna goortii lasoo gaaray Isgooyska Towfiiq ku amray inuu ka dago wadaha, hayeeshee waxaa ka dhaga adeegay wadihii gaariga.

Askariga ayaa waxaa la Tilmaamayaa in Wadihii gaariga uu ku riday Todobo xabadood sidaana waxa uu gaariga ku wareejiyay wadaha wallow rasaastaasi aysan dhaawac gaarsiin wadaha.

Dhaca kadib ayaa waxaa goobta gaaray Ciidamada Degmada waxa ayna goobta ka waayen gaariga, iyagoona baadi goob u galay sida ay gacanta ugu soo dhigi lahaayen gaariga.

Dhacdadaani Cusub ayaa waxaa ay noqoneysaa mid mudooyinkaani ay Magaalada Muqdisho ka bilaaben Ciidamada Dowlada, iyadoona Asbuuc ka hor dhac noocaani ah ay Ciidamo ka tirsanaa Militeriga Dowlada ka geysteen Xaafada Kaaran, inkastoo aan gacanta lagu dhigin.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com