ATMIS oo sharaxaad cusub ka bixisay xayiraadda lagu soo rogay xerada XALANE

Muqdisho (Caasimada Online) – ATMIS ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay sharaxaad cusub uga bixisay xayiraadda lagu soo rogay xerada Xalane, sida ku cad qoraal hore oo kasoo baxay 8-dii April.

Xayiraaddaas oo si rasmi ah u dhaqan gashay shalay oo aheyd 10-kii April ayaa socon doonta illaa 16-ka April, waxayna kusoo aaday xilli la filayo in Xalane ay ka dhacdo dhaarta xildhibaanada cusub 14-ka April, 2022.

War-saxaafadeedka cusub ee kasoo baxay ATMIS ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay tahay mid taxaddar ah oo howlgalka uu qaadayey tan iyo markii la aas-aasay 2007, si looga hortago, ayey tiri, in argagixisada ay jebiyaan amniga xerada xilliyada ay jiraan halisaha amni iyo dhaq-dhaqaaqyada dowladda federaalka iyo saaxiibada caalamiga ah.

Xayiraaddii ugu dambeysay ee guud ee xerada la geliyey ayaa dhacday 17-kii December 2021 illaa 8-dii Janaayo 2022, sida lagu sheegay qoraalka ATMIS.

ATMIS ayaa xaqiijisay in xayiraaddan aan marnaba looga dan laheyn in lagu carqaladeeyo dhaarinta xildhibaanada cusub.

“Xayiraadda billaabatay oo dhammaan doonta 16-ka April 2022, sinna loogama dan lahan in lagu carqaladeeyo, ama lagu qasbo in lagu hakiyo, ama lagu faro-geliyo xafladda dhaarinta xubnaha cusub ee loo doortay baarlamanka ama dhaq-dhaqaaq kasta oo doorasho ama shaqooyinka dowladda ee xerada,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

“Ujeedka kaliya waa in la fududeeyo howlaha hadafkoodu yahay in lagu xaqiijiyo in xeradu noqoto mid ammaan ah, oo nabad ah xilliga muhiimka ah ee doorasho, oo ay ku jirto xafladda dhaarinta iyo sanad guurada 62-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo guud ahaan bisha Ramadan.”

Qoraalka ayaa intaas ku daray in ATMIS ay la shaqeyneyso Ciidankka Xoogga Dalka si loo xaqiijiyo in dhameystirka hanaanka doorashada loogu guuleysto jawi nabadeed oo aan rabshado laheyn.

Al-Shababa ayaa weerar dhimasho leh ku qaaday Xalane laba toddobaad kahor, halkaasi oo ay ku dishay lix qof oo shan ka mid ah ay ahaayeen ajaaniib, halka qofka kalena uu ahaa Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa shalay kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka la qaatay qaar kamid ah Wakiilada Beesha Caalamka.

Kulanka ayaa looga wada-hadlay doorashada Golaha Shacabka oo heer gebo-gebo ah mareysa iyo u diyaar garowga dhaarinta xildhibaanada labada aqal ee la qorsheeyay 14-ka bishan April.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku adkeystay in sidiisa loo dhaqan-geliyo jadwalka dhaarinta xildhibaanada oo uu hore u soo saaray guddiga FEIT, kaasi oo fulistiisu inaga xigto afar maalmood.