Sidee ayaa looga falceliyey dacwadda uu Fahad Yaasiin geeyey Maxkamadda Sare?

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiin iyo aqoonyahanno dhowr ah ayaa ka falceliyey dacwadda ka dhanka ah guddiga doorashooyinka heer Federaal ee FEIT, taasi oo taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasin Xaaji Daahir uu u gudbiyey Maxkamadda Sare ee dalka.

Sida ku cad warqadda dacwadda, Fahad Yaasiin ayaa FEIT ku eedeyay inay si aan sharciga waafaqsanayn ay u celiyeen kursigiisa HOP#086 oo dhawaan loogu soo doortay magaalada Baladweyne.

Taliyihii hore ee NISA iyo xildhibaan hore Axmed Macallinf Fiqi ayaa sheegay in maadaama doorashadan ay tahay mid dadban aan wax dacwad ah la geyn karin Maxkamadda Sare, sida uu hadalka u dhigay. 

“Doorasho dadban iyo maxkamad meelna iskama soo galaan!? Fahad kursi sidaan kuma heline, maxkamad & sharciba in aysan dalkaan ka jirin ayuu caddeeyey,” ayuu yiri Axmed Macallin Fiqi. 

Dhinaca kale, Rashiid Cabdi oo ah fallanqeeye siyaasadeed oo ka tirsan hay’adda darasaadka ee Sahan Research, ayaa dacwadda Fahad ku qeexay mid astaan u ah sida nidaamka hubinta iyo dheeltirnaanta dowladda ee Soomaaliya uu mar kasta uga guuleysanayo kan kali-taliska ah. 

“Fahad Yaasiin wuxuu dacwad geeyey Maxkamadda Sare si guddiga doorashada loogu qasbo inay ka laabtaan go’aanka looga reebay liiska xildhibaanada la sharciyeynayo. Miyaanay taasi aheyn la-yaab, iyo caddeyn iyo nidaamka hubinta iyo dheelitirnaanta ee Soomaaliya uu mar kasta ka hortagayo isku day kasta oo lagu soo rogayo nidaam kali talis ah,” ayuu yiri Rashiid Abdi. 

Sidoo kale, Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka hadlay arrintan ayaa sheegay in go’aanka Maxkamadsa “lasii ogyahay” isaga oo ula jeeda inay xukmin doonto sida Fahad uu rabo.

Kursi shan horin oo ciidan ah dartii diyaarado loogu daabulay, magaaladii oo dhan loo xiray, la diiday in daqiiqad loo hakiyo, iyadoo maydka iyo dhaawaca isdhexyaal. Kursigii loogu cudud muujiyey in diyaarad lagu qaato xildhibaanno, senataro iyo siyaasiyiin aan u dhalan beesha kursiga iska leh, Madaxweynihii iyo ku xigeenkii maamulkana labada dhinac sawir la iska dhigay, kursiga aan dheg jalaq loogu siinin go’aankii Golaha Wasiirrada ee ahaa ciidanka Beledweyne la geeyey in dib loo soo celiyo, kursiga awoodii, hantidii iyo haybaddii qaranka loo adeegsaday,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas ku daray “Ma jirin cid kursigaas tartankiisa hawaysan kartay. Dacwada Maxkamada la geeyeyna macnaheeda maaha in ahmiyada sharciga iyo caddaalada leedahay la gartay, ee waa in natiijada xukunka la sii ogyahay, sida tii kursigaba loo ogaa.”

Guddiga xalinta khilaafaadka ayaa horey u fasaxy kursiga Fahad, hase yeeshee ma jirin kiis dacwad oo dhanka Fahad uga yimid, taasi oo sax ahaanshaha iyo sharciyadda go’aankooda mugdi gelisay.

Kursiga HOP#086 ayaa waxaa ku dhagan guddiga doorashada heer Federal iyadoo lagu heysto in doorashadiisa la qabtay iyadoo uu hakiyey guddiga, lana baal maray hanaanka doorashada.

Si kastaba, waxaa la rumeysan yahay in kiiska kursigan uu yahay mid siyaasadeysan, islamarkaana xayiraadda la saaray uu ka dambeeyo ra’iisul wasaare Rooble oo dagaal kula jira Farmaajo iyo Fahad.