Karaash oo ku dhowaaqay go’aan ka duwan midkii Deni

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka maamul goboleedka Puntland, Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo war cusub kasoo saaray xiisadda siyaasadeed ee Puntland ayaa ka hadlay arrimaha doorashada, gaar ahaan xulista xildhibaanada SSC.

Karaash ayaa shaaca ka qaaday inuu soo dhoweyayo go’aanka Garaadada Khaatumo, baaqii musharixiinta mucaaradka iyo go’aannadii Ismimada dhaqanka Puntland.

Markaan arkay xaaladda amni iyo tan siyaasadeed ee Puntland ku sugan tahay, markaan tixgaliyey go’aankii  kasoo baxay golaha dhaqanka ee SSC-Khaatumo 23 December 2023, baaqii dallada musharixiinta 27 December 2023 iyo go’aamadii isimada Puntland 29 December” ayuu qoraalkiisa ku yiri madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland.

Sidoo kale wuxuu kasoo horjeestay go’aankii madaxweyne Saciid Deni ee ku aadanaa in lasoo xulayo 17-ka xildhibaan ee SSC, si ay u galaan doorashada, wuxuun taasi beddalkeed Axmed Karaash soo dhaweeyay in doorashada lagu galo kaliya 49 xildhibaan.

“Waxaan si buuxda usoo dhaweynayaa in doorashadan lagu galo 49 iyadoo la xaq-dhawrayo go’aankii masiiriga ah ee bulshada  deeganadaas” ayuu sii raaciyay.

Waxaa kale oo uu yiri “Marnaba ma aqbali doono 17 xubnood oo aan haysan matalaada bulshada deegaanadaas sifo kasta haku yimaadeen”.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa sidoo kale ka digay in madaxtooyada iyo dhinacyada kale ay qaadaan tallaabo keeni karta qalalaase ka dhaca Puntland

“Waxaan ka digayaa talaabo kasta oo keeni karta xasilooni daro siyaasadeed iyo mid amni” ayuu kusoo gabagabeeyay qoraalkiisa.

Si kastaba, Puntland ayaa waxaa weli  ka taagan xaalad jahwareer ah oo ka dhalatay doorashada iyo go’aankii bixintaanka ee ay ku dhowaaqeen Isimada SSC-Khaatumo.