R/Wasaare Xamza oo ku dhowaaqay arrin farxad leh oo la sameynayo sanadka cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, MXamza Cabdi Barre oo maanta ka qayb-galay kulan looga hadlayay amniga caasimada ayaa ku dhowaaqay war farxad geliyey dhammaan shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Xamza ayaa shaaca ka qaaday in bilowga sanadka cusub ee 2024-ka la qaadi doono dhagxaanta lagu jaray waddooyinka muhiimka ee ku yaalla waddooyinka caasimada, maadaama uu isbeddel weyn oo amni uu haatan ka jiro magaalada Muqdisho.

“Waxaan sugeynaa sidaan ku heshiinay, haddii ay bishaan dhammaato in la qaado dhagxaanta lagu gooyay waddooyinka caasimada” ayuu yiri ra’iisul wasaaruhu.

Sidoo kale wuxuu sheegay in marka hore dhagxaanta laga qaadi doono degmooyinka hadda lagu guuleystay in la sugo amnigooda, kuwa kale lagu sii xijin doono.

“Inta la sugay amnigooda oo la’isku halleyn karo dhammaantood waa in lagaa qaadaa dhagxaanta, waana in wayn” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Waxaa kale oo uu yiri “Foolxumo ayay ku yihiin magaalada shacabka waa ka sheegteen, annaga xittaa waan ka sheeganay shido waayay”.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale tilmaamay in dowladnimadu aysan horumar sameyn karin haddii aan amniga la xaqiijin, wuxuuna farriin u diray ciidamada ammaanka.

Sidoo kale wuxuu kusii daray in Xukuumadda DanQaran ay sameysay shuruuc muhiim u ah amniga caasimadda, taas oo qeyb weyn ka qaadatay isbeddelka amniga ee Muqdisho.

Ugu dambeyn wuxuu ku ammaanay hey’adaha amniga iyo maamulka Gobolka Banaadir dadaalka iyo wada-shaqeynta dhexdooda ah, maadaama uu keenay guul weyn.