Daawo Sanbaloolshe: Muqdisho amnigeeda waxaa ka shaqeeyay Macawiisley

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo ka tirsan golaha shacabka Soomaaliya oo ka qayb-galay kulan looga hadlay isbeddalka amni ee magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo ku aadan xaaladda guud ee dalka.

Sanbaloolshe ayaa qiray inuu isbeddal weyn ka jiro amniga Muqdisho, marka la eego nabad-gelyada ka jirta, isagoo sheegay inay ku timid shaqadii wanaagsaneyd ee la qabtay.

Xildhibaanka ayaa xusay in amniga laga dareemayo caasimada ay wax ka keeneen ciidanka Macawiisleyda ee dagaalka ku jira, isla markaana Al-Shabaab ka saaray dhul ballaaran.

“Magaalada Muqdisho inay nabad ahaato kaliya dadka jooga kama shaqeynin ee Macwiisley ayaa ka shaqeysay” ayuu khudbaddiisa ku yiri Cabdullahi Sanbaloolshe.

Sidoo kale waxa uu sharraxaad ka bixiyay qaabka ay Macawiisleyda uga qayb-qaadatay amniga caasimada, wuxuuna sheegay inay adkeeyeen difaaca goobaha ay kula dagaalamayaan Shabaab, taasna ay culays ku noqotay kooxda, sida uu hadalka u dhigay.

“Haddii xabadda laga bilaabay Matabaan, xagana Aadan Yabaal looga keenay xagana hadda socota Jeex-jeex oo Shabeeloow dhaaftay oo caad mareysa , haddii aan Macawiisley ahayn qaraxyadii meeshaan loogu talagalay waa kuwa Maxaas ka dhacaayay oo Buuloburde ka dhacaayay oo Beledweyne ka dhacaayay oo Dhuusamareeb ka dhacaayay oo lagu sigay naftiisa madaxweynaha Galmudug” ayuu mar kale yiri Xildhibaan Sanbaloolshe.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray “Ammaanka waa meesha kaliya oo ay tahay inuu qof walbaa ka shaqeeyo, laakiin ma’aha inuu qof walba hoggaamiyo”

Dhanka kale, waxa uu ka hadlay arrinta mamnuucista hubka waa weyn ee lagu dhex qaato caasimada, taas oo hirgashay waxaase uu ku baaqay in xitaa qoryaha laga saaro Muqdisho.

“Xakameynta hubka sanadka 2024-ka waxaa la rabaaa in magaalada oo dhan laga mamnuuco qoray” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan xaalad deganaasho ah laga dareemayo Muqdisho oo ay ka howlgaleen ciidanka Xasilinta oo kaashanaya Booliska iyo NISA.