DF oo jiirtay darbigii ugu cuslaa iyo Somaliland oo aqbashay arrin weyn

Jabuuti (Caasimada Online) – Shirkii labada maalin uga socday madaxda Soomaaliya iyo Somaliland ee sii amba-qaadista wada-hadallada labada dhinac ayaa sida muuqata si weyn loogu dabciyay mowqifkii adkaa ee Somaliland ee gooni isu-taaga, marka la fiiriyo luuqada uu ku qorna heshiiskii kasoo baxay.

War-murtiyeed kasoo baxay kulamadii madaxweyne Xasan Sheekh iyo Muuse Biixi, iyo wafdigii labada dhinac ee hoggaaminayeen ayaa Somaliland loogu yeeray “Dowladda Somaliland”.

Middaan ayaa ka dhigan in Somaliland si lamid ah maamul goboleedyada dalka ee Dowladda Puntland, Dowladda Galmudug, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed, taasi oo toos u geynaysa Somaliland qaanada ay ku jiraan maqaam ahaan maamullada kale ee dalka.

Sidoo kale sida ka muuqata War-murtiyeedka oo uu ku saxiixan yahay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, waxaa qeybo kamid ah ku qornaa ereyga “Gobollada Waqooyi” taasi oo ka hor imaaneysa gooni isu-taaga ay sanadaha badan ku doodeysay Somaliland.

Somaliland ayaa sanado badan kadib markii u horeysay aqbashay in Gobollada Waqooyi lagu qoro War-murtiyeedka, sidoo kalena loogu yeero Dowladda Somaliland, halka ay sida caadiga ah u adeegsato Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxyaabaha kale ee dabacsanaanta ka muujisay Somaliland waxaa kamid ah wada-shaqeynta tooska ah ee dowladda federaalka, gaar ahaan dhanka arrimaha ammaanka, xilli Somaliland ay ku jirto marxalad dagaal, islamarkaana looga adkaaday duulaankii Sool.

“In labada dhinac ay iskaashi buuxa ka yeeshaan dhinacyada amniga iyo ka hortaga dembiyada abaabulan, iyadoo iskaashi buuxa ay ka yeelanayaan hey’adaha labada dhinac,” ayaa lagu yiri War-murtiyeedka xalay laga soo saaray shirkii madaxda Soomaaliya iyo Somaliland uga socday Jabuuti.

Si kastaba, War-murtiyeedkaan ayaa si weyn u dhaawacay qadiyadii sanadaha badan ay ku doodeysay Somaliland, waxayna fallanqeeyaashu qabaan in dabaca baaxada leh ee hal mar ku kala wareegtay Somaliland uu keenay cadaadiska uu wajahayo Muuse Biixi, oo Sool laga goostay, uuna buuq siyaasadeed xooggan uga furan yahay gudaha Somaliland.