24.7 C
Mogadishu
Saturday, July 25, 2026

Axmed Keyse oo lagu dilay Muqdisho maalmo kadib qalin-jebintiisii jaamacada

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa xalay magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Wadajir lagu dilay Axmed Xuseen Nuur (Keyse), kaas oo ahaa wiil dhalinyaro ah oo dhowaan ka qalin-jebiyey Jaamacad.

Kooxo hubeysan ayaa la sheegay in xalay ay marxuumka ku dileen xaafadda Buulo-Xuubey, kadibna ay goobta isaga baxsadeed.

Ragga dilay marxuumka oo gaareyey illaa 3 nin ayaa ahaa burcad, kuwaas oo doonayey inay taleefoonka ka qaataan wiilkaasi dhalinyarada, balse uu ka biyo diiday, taas oo keentay toogashada, waxaana kadib ay ka qaateen Mobile-kii uu watay wiilkaasi.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya oo sameeyey baaritaano kooban, balse ma jiro cid ay u soo qabteen falkaasi.

Geerida Axmed Keyse ayaa waxaa si weyn uga naxay ehelladiisa iyo asaxaabtiisa, maadaama ay isku soo xigsadeen maalmaha dabaal dega ee qalin-jebinta iyo geeridiisa.

Arrintan ayaa qeyb ka dhan dhacdooyinka xanuunka badan ee ka dhaca Muqdisho, waxaana degmooyinka qaar ee xilliyada habeenkii ah dhac baahsan loogu geystaa dadka rayidka ah.

- Advertisement -

Read more

Local News


Fatal error: Uncaught Error: Undefined constant "console" in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php:60 Stack trace: #0 [internal function]: dynamic_data_flow_filter('<!doctype html ...', 9) #1 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/functions.php(5493): ob_end_flush() #2 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(341): wp_ob_end_flush_all('') #3 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(365): WP_Hook->apply_filters('', Array) #4 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/plugin.php(522): WP_Hook->do_action(Array) #5 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/load.php(1308): do_action('shutdown') #6 [internal function]: shutdown_action_hook() #7 {main} thrown in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php on line 60