Axmed Madoobe & CCC Sharma’arke oo kulan Albaaba u xiran yeeshay

Kismaayo (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ra’iisul wasaaraha dalka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali iyo Axmed Madoobe kulan gaar ah ku yeesheen magaalada.

Axmed Madoobe ayaa kulanka gaarka ah ee uu la yeeshay ra’iisul wasaaraha dalka wuxuu u gudbiyay mowqifkiisa kaga aadan mooshinka xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ay ka gudbiyeen baarlamaankiisa.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in kulankaasi uu ahaa mid albaabada ay u xiran yihiin, kaasi oo saacado qaatay sida ilo xog ogaal ah inoo sheegayaan.

Inta uu Kismaayo ku sugan yahay Cumar C/rashiid ayaa waxaa la filayaa in go’aan looga gaaro qaabka ugu fudud ee lagu dhameyn karo khilaafka ka dhashay mooshinka ka dhanka ah dhismaha baarlamaanka Jubba.

Dhanka kale wararka haatan naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in wafdiga ra’iisul wasaaraha ay booqanayaan xarumaha uu ku shaqeeyo maamulka KMG ah ee Jubba.

La soco waxii soo kordhaa Insha allah.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com