Puntland oo ka hor timid tallaabadii dowlada federaalka qaaday

Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo maalinimadii shalay ay DF Somalia shaacisay tirada muwaadiniinta Soomaalida ee gudaha dalka ku nool, ayaa waxaa taasi ka hor imaaday Maamulka Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Maamulka puntland Cali Axmed Faatax oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Magaalada Garoowe, ayaa sheegay in DF Somalia ay ka beensheegtay dadka ku nool Deegaanada Puntland, waxa uuna sheegay in tiradaasi ay tahay mid ay Dowladu kaga been abuurtay.

Wuxuu sheegay in xili hore ay sameeyen daraaseyn horayna ay u ogaaden tirada saxda ah, wuxuuna wasiir Faatax meesha ka saaray in tirade ay soo bandhigtay DF ay tahay mid sax ah.

Waxa uu tilmaanay in tirada saxda ah ee dadka kasoo jeeda Puntland ay ogyihiin Hayy’adaha QM, UNPFA, taasina ay tixraac u noqoneyso xaqiiqda jirto.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa ugu baaqay dawladda Soomaaliya in ay mar kasta oo ay talaabo qaadayaan ay noqoto mid aan dhib ku soo kordhineyn Somalia, wuxuuna nasiib daro ku sheegay baahinta xog aan dhameystirneyn.

Dhinaca Maamulka Puntland ayaa soo bandhigtay Tirakoobka Rasmiga ah ee Dadka ku nool Dhulka Puntland kaasi oo ay soo saartay Hay’adda UNPFA.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com