Dagaal u dhexeeya Ciidamada Dowlada & dad shacab ah oo ka dhacay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online)-Dagaal u dhexeeyay Ciidamada Booliska iyo dad shacab barakac ah ayaa waxa uu goordhow ka dhacay Xaafadda Soonakeey ee degmada Hodan.

Iska horimaadka u dhaxeeyay dadka Shacabka ah iyo Ciidamada ayaa waxa uu dhacay kadib markii Ciidamada ay isku dayeen in dadkaasi ay ka kiciyaan goobaha ay degnaayen oo kamid aheyd Xarumaha dowlada Dhexe.

Ciidamada oo adeegsanaaya awoodooda Qaran, ayaa waxa ay isku dayeen in dadkaasi ay ka barakiciyaan guryaha Dowlada, waxaana arrintaasi ka biya diiday dadkii goobahaasi xooga ku degnaa waxaana halkaasi ka dhacay iska horimaad muddo kooban qaatay.

Goobjooge ayaa kusoo waramaayo in labada dhinac uu dhexmaray iska horimaad ay kusoo baxeen Saraakiisha Ciidamada Militeriga, Booliska iyo kuwa Nabadsugida ka howlgala Degmadaasi iyo nawaaxigeeda waxaana adkaatay in si sahlan lagu hakiyo iska horimaadka.

Ilaa hadda lama sheegin khasaaro ka dhashay Iska horimaadka, Dadka deegaanka ayaa gabaadsanaya Meelaha ay u arkaan in Xabadda aysan ugu imaan karin, si ay uga fogaadaan dhibaato kasoo gaarta Dagaalka.

Ciidamada Dowlada ayaa iminka ku sugan Xaafadda Soonakeey ee degmada Hodan, waxa ayna Ciidamadu yihiin kuwo ku andacoonaayo in amarka uu kasoo baxay Maamulka sare ee Gobolka Banaadir.

Arrintaani ayaa imaaneysa xili dhawaan Qaramada Midoobay ay Maamulka Gobolka Banaadir ku eedeysay in si sharci daro ah barakacayaasha uga rarayaan deegaankooda Boqolaal qoys, iyaga oo aan heysan wax deegaan ah oo badal u noqda Meelaha laga barakiciyay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com