CADEYN Axmed Madoobe & CCC Shama’arke oo hishiis ku kala saxiixday Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in goordhow warbaahinta loo aqriyay hishiis ay wada gaareen Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubba.

Hishiiska ayaa  waxaa kamid ahaa in guddi loo xilsaaro muranka ka dhashay mooshinka laga gudbiyay dhismaha baarlamaanka maamulka Jubbaland, kaasi oo yaala baarlamaanka Soomaaliya.

Gudiga ayaa ka koobnaanaya labada dhinac ee dowlada Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubba, waxaana ay kulamo la qaadanayaan beelaha cabashada ka muujinaya dhismaha baarlamaanka Jubba.

Sidoo kale qodobada lagu hishiiyay waxaa ka mid ah qeybsiga qeyraadka dalka ee ka imaanaya guud ahaan dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn waxaa la isla gartay ka wada shaqeynta arimaha amaanka iyo dardarn gelinta isku dhafka ciidamada maamul goboleedyada iyo dowlada Federaalka Soomaaliya.
1

2
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com