Puntland oo xabsiga dhigtay Wakiil wareedka VOA-da

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso, ayaa sheegaya in Ciidamadda Amaanka Maamulka Puntland ay goordhow jeelka dhigeen wakiil wareedka Idaacada VOA laanteeda Boosaaso.

Faadumo Yaasiin oo idaacada VOA-da uga soo waranta Magaalada Boosaaso ayaa waxaa xiray Ciidamada xili ay ku howlneyd howl maal-meedkeeda shaqo.

Waxaan si dhab ah loo garaneynin sababta ka dambeysay xariga Weriyahaasi, inkastoo Ciidamada Amaanka ay sheegen in xarigaasi uu soo amray Wasiirka Warfaafinta Maamulka, hadana lama hayo war sax ah oo maamulka kasoo baxay.

Xarigaani ayaa waxa uu kusoo beegmayaa xili Ciidamada Maamulka ay maalmo ka hor shaqada ka joojiyeen Xafiiska SNTV ee Garoowe iyo Suxufiyiin kale oo ka howlgali jiray Idaacada daljir ee Puntland.

Dhanka kale, arrintaani ayaa waxa ay imaaneysaa xili maalin ka hor uu Madaxweynaha Puntland ku faanay in Maamulkiisa uusan cadaadin gaar ah ku heynin Weriyayaasha ka howlgala Deegaanada uu maamulkiisa ka arimiyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com