Go’aankii Axmed C/salaan oo walaac iyo carro ku beeray Xasan + Ballantii beesha Ceyr

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Somaliya oo ku mashquulsan shirka Magaalada Cadaado, ayaa wuxuu xilligan uu culeys ka soo fuulay ku dhawaaqista musharaxtiimada Axmed C/salaan Xaaji Aadan ee Maamulka Gobolada Dhexe.

Madaxtooyadu waxay ka carootay in Safiirka Somaliya ee dalka Itoobiya uu isu soo sharaxo Maddaxtinimada Maamulka Gobolada Dhexe, taasoo ka horimaaneysa heshiis uu Madaxweynuhu Magaalada Dhuusamareeb uu kula gaaray Beesha Cayr, Habargidir.

Labada dhinac ayaa waxay ku heshiiyeen haddii Dhuusamareeb loo magacaabo Caasimadda Gobolada Dhexe, inaanay siyaasiyiinta beeshu isu soo sharaxi karin Madaxtinimada Maamulkaasi.

Qasriga dalka looga arrimiyo, ayaa Madaxtinimada Maamulka Gobolada Dhexe la doonaaya in uu ku soo baxo C/kariin Xuseen Guuleed, kaasoo iminka ah la taliyaha Madaxweynaha Soomaaliya ee dhanka siyaasadda.

Garabka Madaxweynaha Somaliya, ayaa u tafa-xeedanaaya sidii uu dagaal adag ula geli lahaa Axmed C/salaan, si aanu meesha kaga saarin rajada C/kariin Xuseen, ee ah inuu ku guuleyso Hogaanka Maamulkaasi. C/salaan waxaa loo arkaa shakhsiga keliya ee C/kariin kaga guuleysan kara doorashada, inkasta oo Guuleed heysto taageero badan, welina loo badinayo inuu kusoo baxo doorashada.

Masuul ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliya, ayaa sheegay in lacag ay Dowladdu ka heshay dalka Qatar, ay qayb ka mid ihi u adeegsan doonto shirka Cadaado.

Ilo wareedyo kale oo lagu kalsoonaan karo, ayaa xaqiijiyay in Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Federalka Somaliya, C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa), lagu wargeliyay in indhaha uu kala furo, haddii siyaasadda Gobolada Dhexe uu ku soo biiray Axmed C/salaan, oo ah Safiirka Somaliya u fadhiya Magaalada Addis Ababa.

C/salaan oo iminka ku sugan Magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu ka wadaa olole ballaaran, isagoona xusulduub ugu jira sidii uu ku noqon lahaa Hogaamiyihii ugu horeeyay, ee Maamulka Goboada Dhexe uu yeesho.

U biro tumashada Madaxtinimada Maamulka Gobolada Dhexe, ayaa waxay xilligan u muuqataa mid ay adag tahay in la saadaaliyo, cidii ku soo bixi lahayd, waayo waxaa ku hardamaaya awoodo iska soo horjeeda.

Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa yoolkeedu yahay in tartanka doorashada uu ku soo baxo Guuleed, iyadoona wado kasta u mari doonto, sidii uu ugu guuleysan lahaa Madaxtinimada Gobolada Dhexe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com