Odawaa oo lagu eedeeyay arrin halis ku ah Qaranka

Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo shirka ka socda Magaalada Cadaado uu maraayo heer gabagabo, ayaa waxaa hadana jiro shakiyo ka dhextaagan Ergooyinka shirka iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha C/raxmaan Odawaa.

Cilmi Moalim oo kamid ah Ergooyinka ayaa sheegay in hoolka shirka uu ka taagan yahay kacdoon hoose oo u dhexeeya Ergooyinka iyo Wasiir Odawaa.

Cilmi waxa uu sheegay in Ergooyinka qaar ay garowsan yihiin in Wasiirka uu qaab qaldan u adeegsanaayo Shirka, waxa uuna sheegay in mudooyinkaani Hoolka ay ka dhex muuqanayaan Ergooyin aan horay uga mid aheyn shirka.

Waxa uu Tilmaamay in Wasiirka uu ka beyray sharciga iyo shuruudaha uu shirka ku furmay waxa uuna carabka ku dhuftay in Wasiirka iyo gudiyada ay iibsanayaan tirooyinka Ergooyinka.

‘’Kor ayaan kala socnaa isdaba-marinta lagu hayo shirka, tiro ku dhow 40 Odayaal ayaa siyaabo kala duwan looga iibshay xubinimadooda waxaana mas’uul ka ah Odawaa’’

Ma uusan sheegin sababta keentay in xiligaani qaab qaldan loo adeegsado xubinimada, bacdamaa uu arrinku yahay mid heer gabogabo taagan.

Geesta kale, waxaa madasha shirka ka maqan ilaa Seddex beel oo iyagu tabanaayo xuquuq ka maqan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com