Axmed Madoobe: Habeenkii 11-aad ayaan Xamar joogaa dowladda federaalkana….

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa khudbad ka jeediyey kulankii maanta Muqdisho ka dhacay ee lagu dhisay ‘Golaha Badbaado Qaran’ kaas oo ay ku midoobeen Madaxda Jubbaland, Puntland, Golaha Midowga Musharaxiinta iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare oo qeyb ka ah Golaha siyaasiyiinta Waqooyiga.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa ugu horeyn sheegay in sababta loo aas-aasay golahaan ay tahay badbadinta dalka, “Maanta waxaan taaganahay inaan la shirin, inaan wax la iska weydiin yaa talo ku leh dalka, waxa dhibkaan nasoo gaarsiiyey waa kalitalisnimo,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in golahaan aan loo sameyn in wax lagu boobo, balse ay ka shaqeynayaan in la isku yimaado oo laga wada tashado, sidii dalka looga samata bixin lahaa marxaladaan.

Garabka dowladda federaalka ayuu ku eedeeyey inay si gooni ah wax ula cararayaan, sigoo tusaale u soo qaatay guddiyadii kala metelayey dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada taabacsan DF ee maanta ku shiray Hotel Decale.

“Caawa habeenkii 11-aad ayaan Muqdisho joogaa, nimanka mas’uuliyadda sheeganaya ee guddiyaa shiraya leh, xitaa su’aalo la iskama weydiin inaan joogo iyo inaan maqanahay, anaa isku jooga, anaa isku imid, hadana waxay naleeyihiin guddi wasiiro ah soo dira, taasi waa nasiib darro,” ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa beesha caalamka iyo cid kasta oo Soomaaliya caawineysa ka dalbaday in aysan garab siin qof doonaya inuu Soomaaliya ku xukumo ‘Anaa iri’.

Hoos ka Daawo