Daawo: Sheekh Shariif oo ka hadlay isbaheysiga cusub ee maanta lagu dhawaaqay

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii maanta Muqdisho ka dhacay ee looga dhawaaqay isbaheysi cusub ee loogu magac-daray ‘Golaha Badbaado Qaran’ ayaa waxaa khudbado ka jeediyey qaar ka mid xubnaha ku bahoobay golahan, kuwaas oo faahfaahin ka bixiyey sababta loo aas-aasay golahaan cusub ee siyaasadeed.

Isbaheysigan ayaa waxaa ku mideysan Madaxda Jubbaland iyo Puntland, Golaha Midowga Musharaxiinta iyo Guddoomiyaha Aqalka Sarre oo qeyb ka ah Golaha siyaasiyiinta Waqooyiga. Waxuuna golahaan ka shaqeyn doonaa sidii dalka uga dhici laheyd doorasho xor iyo xalaal ah, iyadoo dalka laga badbaadinayo inay ka dhacdo doorasho la boobay, sida ay ku sheegeen war-murtiyeed ka soo baxay galabta.

Ugu horeyn madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo kulankaas ka hadlay ayaa sheegay in golahaan loo aas-aasay sidii dalka looga qaban lahaa doorasho wadar-ogol ah.

“Dimoquraadiyadda curdunka ah ee ka jirta Soomaaliya waxay u baahan tahay ilaalin, waxaan u istaagnay waajibka naga saran in dalka ay doorasho xor ah ka dhacdo, waxaan Ilaahey ka baryaa inuu nagu guuleeyo taas,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Isagoo sii hadlaayey ayuu yiri, “Ififaalooyinka socda ee ku hareereysan doorashooyinka ma ahan kuwo muujinaya in doorasho xor iyo xalaal ah dhacdo, taas ayaa keentay in la aas-aaso golahaan. Asbaabta loo doortay in 4-tii sanaba mar ay doorasho dhacdo, waa in uusan imaan isku dhajis kursiga ah oo sababa in dhiig daato ama dowladnimadu burburto.”

Hoos ka Daawo