Axmed Madoobe iyo Deni oo ka tegay Dhuusamareeb iyo wararkii ugu dambeeyay

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha maamulada Jubbaland iyo Puntland oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug ayaa maanta dib ugu laabtay caasimadaha maamuladooda ee Kismaayo iyo Garoowe.

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa maalmo dhowr ah ku sugnaa Dhuusamareeb waxayna uga qeyb-galeen shirkii wada-tashiga ee fashilmay, oo u dhaxeeyay madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamulada, kaasi oo looga hadlayay arrimaha doorashooyinka oo xaalad cakiran ka abuuray dalka.

Labada Madaxweyne ayaa intii ay ku sugnaayeen caasimada Galmudug waxa ay kulamo kala duwan la qaateen madaxda kale ee dowlad goboleedyada, kuwaasi oo ka arrinsanayay xaalada dalka iyo muranka ka taagan doorashada ee aan weli loo helin xal rasmi ah.

Sidoo kale waxay xalay qeyb ka ahaayeen kulan dhinaca khadka Internet-ka ah lagula yeeshay xubno ka tirsan Beesha Caalamka, kaas oo ay kaga hadleen muranka doorashooyinka iyo xaalada cakiran ee ka taagan dalka.

Waxaa labada madaxweyne si kala duwan loogu soo dhaweeyay Garoowe iyo Kismaayo, waxaana la filayaa in madaxdan ay warbaahinta la hadlaan saacadaha soo socda, islamarkaana ka warbixiyaan shirkii fashilmay ee looga arrinsanayay doorashada iyo weliba eedeymihii u dambeeyay ee uu Farmaajo u jeediyay.