Rooble oo dib looga celiyey xarunta golaha shacabka

Muqdisho (Caasimadda Online) – Hadal jeedin la filayay in maanta uu Golaha Shacabka Soomaaliya ka jeediyo Ra’iisul Wasaaraha xilka sii-haya Maxamed Xuseen Rooble ayaa baaqatay kaddib markii xildhibaannada ay ka cudur daarteen inuu hor imaado Ra’iisul Wasaaraha.

Qorshuhu wuxuu ahaa in Ra’iisul Wasaare Rooble uu baarlamaanka ka jeediyo khudbad uu uga warbixinayo boqolkii maalmood ee ay xukuumaddiisa jirtay.

Hase yeeshee mudaneyaasha ayaa sheegay in sida sharciga ah la doonayo in Ra’iisul Wasaaraha Warbixintiisa uu soo gudbiyo 24 saacadood ka hor inta uusan baarlamaanka imaanin, taasina aysan dhicin.

Guddoomiyaha Baarlamaanka, Maxamed Mursal, ayaa ugu dambeyn sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble uu baarlamaanka imaan doono maalinta Arbacada ah.

Guddoonka iyo xildhibaannada mucaaradka ayaa isla gartay inaanu maanta kulanka kasoo qeyb gelin Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, iyadoo dib loogu dhigay Arbacadda soo socota, waxaana kulanka laga saaray ciidamadii faraha badnaa ee la geeyay xarunta Baarlamaanka.