Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo kulan leh siyaasiyiinta gobollada waqooyi + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Jubaland iyo Puntland ayaa caawa kulan gaar ah Muqdisho kula leh siyaasiyiinta ka soo jeeda gobollada waqooyiga ee Somaliland ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Siyaasiyiintaas waxaa hoggaaminaya Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed, waxaana kulanka looga hadlayaa xalinta tabashooyinka ka jira kuraasta Somaliland iyo sidii heshiis looga gaari lahaa khilaafka ka taagan.

Laba garab oo ay kala hoggaaminayaan Mahdi Guuleed iyo guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ayaa isku haya guddiga doorashada kuraasta gobollada waqooyi ee Somaliland.

Xog ay heshay Caasimada Online waxay sheegeysaa in is fahamkii magaalada Baydhaba lagu gaaray 16-kii bishii Febraayo ee sanadkaan la isku raacay in xubnaha guddiga doorashada ee kuraasta Somaliland ay kala qeybsadaan Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed.

Madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland ayaa la sheegay inay caawa isku howleen in siyaasiyiinta gobollada waqooyi garabka uu hoggaaminayo Mahdi Guuleed ay ku qanciyaan is afgaradkii guddiyadii ka kala socda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ay ku gaareen magaalada Baydhaba.