Dareen noocee ah ayey mucaaradku ka qabaan habka uu ku furmay shirka doorashada?

Muqdisho (Caasimada Online) – Inta badan musharaxiinta sanadkan u taagan xilka madaxtinimada Soomaaliya ayaa saacadihii u dambeeyey soo saaray qoraallo ay ku soo dhaweeyeen hanaanka uu ku furmay shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee u dhaxeeya ra’iisul wasaare Rooble iyo madax goboleedyada dalka.

Waxa ay muujiyeen rajada ay ka qabaan doorasho heshiis lagu wadayahay oo ka qabsoonta dalka, iyagoo bogaadiyey dareenka iyo dabacsanaanta ay la yimaadeen madaxda ka qeyb gashay shirka maanta ka furmay Muqdisho.

Ugu horeyn Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraalkan soo saaray markii uu soo idlaaday shirkii maanta ayaa yiri, “Waxaan bogaadinayaa shirka wadatashi qaran ee maanta horudhiciisa furmay. Waxaan rajaynayaa in xal laga gaaro arrimaha la isku hayo ee la xariira fulinta heshiiska doorasho ee 17 Sept. Dalku wuxuu ku jiraa xaalad kala dhantaalan oo degdeg loogu baahan yahay doorasho, si loo helo hoggaan iyo dawlad sharciyad leh.”

Dhankiisa Musharax Cabdikariin Xuseen Guuleed oo maanta dib ugu soo noqday dalka ayaa yiri, “Waxaan bogaadinayaa guulna u rajeynayaa shirka wadatashiga Qaran, waxaana dhamaanteen xil weyn naga saaran yahay inaan u howl galno taabagalinta iyo najaxinta shirka, si dalka oga qabsoonto doorasho xor iyo xalaal ah.”

Musharax Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa isna yiri, “Waxaa ii muuqata Yididiilo iyo dareen cusub oo ay la yimaadeen madaxda ka qeyb galaysa shirka taas oo astaan fiican u ah inay jirto kalsooni iyo is-aaminaad sahli doonta in heshiis laga gaaro geeddi-socodka arrimaha doorashooyinka.”

Duqii hore ee Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed oo haatan isna ah Musharax Madaxweyne ayaa yiri, “Shirka maanta ka furmay Muqdisho waxaan u rajeynayaa guul. Yididiilo ayaa muuqata, Shacabka Soomaaliyeedna waxay ku rajo weyn yihiin inuu noqdo mid miradhala, si gacanna loogu gurmado dadkeena wajahaya xaaladdo kala duwan, gacanna doorasho loogu qabto. Caano daatay dabadood la qabay baa inoo wada dan ah.”

Waxaa muuqata in mucaaradku ku qancay hanaanka loo wajahayo xalinta khilaafka doorashooyinka oo haatan ay bilaabeen ra’iisul wasaare Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada, inkastoo mudooyinkii dambe ay dalbanayeen in laga qeyb geliyo shirkaan, hadana iyagoo aan door ku laheyn ayey bogaadinayaan.