Axmed Madoobe oo la yimid hab yaab leh oo lagu xulayo xildhibaanada cusub ee Jubaland

Kismaayo (Caasimadda Online) – Maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe ayaa la yimid xeelad cusub oo aan suurtagal aheyn inay dhacdo, taasoo ku saabsan doorashada Xildhibaanada maamulkaas oo la filayo in dhawaan lasoo xulo si ay u dhacdo Doorashada Madaxweynimo.

Magaalada Kismaayo iyo deegaanada uu ka arrimiyo maamulka Jubaland wali waxaa ka taagan khilaaf ku saabsan qaabka loo soo xuli doono xildhibaanada cusub ee Jubaland ee dhowaan la dooran doono.

Guddiga doorashada Maamulkaas oo ah mid uu magacowday Axmed Madoobe, uuna ugu talagalay inay u sameeyaan sida uu rabo, ayaa soo jeediyey arrin ay si weyn uga hor imaadeen Odayaasha dhaqanka ee soo xuli lahaa Xildhibaanada.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Jubaland Xamse Cabdi Barre oo uu keensaday Axmed Madoobe ayaa dhawaan sheegay in Guddiga Doorashada uu leeyahay go’aanka ugu dambeeyo ee qofka Xildhibaanka noqonayo.

Xamse ayaa sheegay in halkii boos ee xildhibaanba, ay odayaasha beelaha ay guddiga usoo gudbin doonaan magacyada saddex qof, kadibna uu guddiga uu ka xulan doono mid ka mid ah seddexdaas qof.

Odayaasha dhaqanka ayaa taas aad uga hor-yimid, kuna qeexay musuq-maasuq la doonayo in lagu sameeyo habka doorashada xildhibaanada.

Guddiga Doorashada ayaa ka shaqeenayo sidii Xildhibaano looga soo dhigi lahaa shakhsiyaad uu wato Axmed Madoobe si uu mar kale u noqdo Madaxweynaha maamulkaas.

Axmed Madoobe ayaa Jubblanad ka dhigay sida shirkad uu isaga leeyahay oo uu ka sameenayo wixii uu doono, waxaana laga cabsi qabaa inay arrintaan keento burbur ku imaado Maamulkaas maadaama beelo badan ay u arkaan Axmed Madoobe hoggaamiye xoog ku heysto maamulkaas oo aan dooneyn inay dhacdo doorasho xalaal ah.

Caasiimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com