Faysal Cali oo shaaciyey shirkado uu FARMAAJO ku colaadinayo qabyaalad

Hargeysa (Caasimada Online) ― Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe oo maanta wareysi gaara siinayey mid kamida Tv-yada Soomaalida, ayaa Madaxweyne Farmajo ku eedeyay inuu wax ku wado hab qabyaaladeysan.

Guddoomiye Faysal ayaa sheegay inuu arrin kasta ka eego Madaxweyne Farmaajo dhanka Qabyaaladda, isagoona ka dhawaajiyey inay taasi keentay inuu ku fikiro Shirkadaha Daalo iyo Jubba inay leeyihin beelo gaar ah.

Faysal Cali Waraabe ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo uu doonayo inuu shirkadaha diyaaradaha ee Jubba iyo Daalo ka wareejiyo Daabulidda xujaajta Soomaalida, isagoona u wareejinaya shirkado reerkiisa oo u rabo iney dhaqaalo ka abuuran.

Guddoomiyaha oo ka hadlaya Arrimahaas ayaa wuxuu yiri “Muraayadda uu Sito Farmaajo waa Muraayad Qabyaaladeed, wax kasta qabyaalad ayuu ku eegayaa”.

“Shirkadaha diyaaradaha ee Dadka Xujayda ah qaadi jiray waxay ahaayeen Daalo iyo Jubba, waa shirkado Soomaaliyeed, laakiin isagu (Farmaajo) wuxuu u arkaa Shirkado Qabiil, markaa wuxuu damacsan yahay inuu wixii Qabiil u beddelo oo Shirkado yaryar oo uu doonayo inuu Reer ahaan Lacag ugu sameeyo oo aan jirin inuu abuuro (Si ay u daabulaan Xujaajta)”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Sanadihii hore waxa la inna siin jiray 9300 Xaaji oo Kooto ah Somaliland iyo Soomaaliya, illaa 3500 waxay ka tagi jireen Hargeysa, illaa 5000 waxay ka tagi jireen Muqdisho, inta kalena waxay ka tagi jireen Gobollada dhexe, sida Gal-mudug iyo Gal-guduud ama Puntland iyo Gal-mudug. Markaa imika wuxuu wadaa inuu wixii Qabaa’il ka dhigo oo uu yidhaahdo Magaalooyinka ayaan u qayb-qaybinayaan, shirkado yaryar oo Qabaa’ilna sameeyo”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com