28.6 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Axmed Madoobe oo laga il duufsaday qaar ka mid ah ciidankiisa (Xog cusub)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Saraakiisha iyo Ciidamada daacada u ah Hogaamiyaha Raaskambooni Axmed Madoobe ay u kala jabeen laba garab.

Wararku waxa ay sheegayaan in ku dhawaad 137 ka tirsan Ciidamada ka amar qaata Axmed Madoobe ay galabnimadii shalay shaaciyeen inay faarujinayaan Xirooyinka ay uga sugan yihiin Magaalada Kismaayo.

Saraakiisha iyo Ciidamada ayaa Axmed Madoobe kuwargaliyay inay ku biirayaan Ciidamada ay diiwaan galinayaan Maamulka Koofur Galbeed qeybta Lixda Gobol.

Axmed Madoobe ayaa arrintaasi u bandhigay Odayaasha Kismaayo ee isaga Taabacsan waxa ayna u kuurgaleen xal ka gaarista Ciidamada baxsadka ka ah Axmed madoobe, hayeeshee waxa ay Saraakiisha iyo Ciidamaduba sheegen in dhiigooda aysan u huri karin Axmed.

Arrintaani ayaa timid kadib markii Axmed Madoobe uu diiday inuu bixiyo Mushaaraadka Ciidamada ku dhawaad Lix bil, halka ilaaladiisa gaarka ahna uu si xad dhaaf ah u siiyo mushaaraadka iyo gunooyin aan kala joogsi laheyn.

Dhanka kale, Saraakiisha iyo Ciidamada baxsadka ka ah Axmed Madoobe, ayaa waxaa looga gacan haatinayaa Xirooyinka Maamulka Koofur Galbeed qeybta Lixda Gobol, waxa ayna arrintaasi walaac ku beertay Hogaamiyaha Raaskambooni.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News