Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee Xarunta maamulka KMG Jubbaland, ayaa sheegaya in Wasaarada arrimaha Gudaha maamulkaasi ay Kismaayo kasoo musaafurisay Nabadoono maalmo un ka hor ay xireen Ciidamada Maamulka.
Nabadoonada laga soo musaafuriyay magaalada Kismaayo ayaa waxaa kamid ah Maxamuud Geele Cumar iyo Nabadoon C/laahi Bille Saciid oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Gobolada Jubbooyinka.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Jubbaland, Maxamed Warsame Faarax ”Darwiish”, ayaa Odayaasha ku eedeeyay in warxumo tashiil ay ka faafiyeen Madaxweynaha maamulka Jubbaland sidaana ay ku muteysteen in laga soo musaafuriyo Kismaayo.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka ayaa goortii Odayaashaasi loo soo musaafurinaayay magaalada Muqdisho ku wargaliyay in dib danbe aysan ugu soo laaban karin magaalada Kismaayo.
Amarka musaafurinta ayaa waxaa lahaa Madaxweynaha maamulka Axmed Madoobe, oo ka carooday xaqiiq ay Nabadoonadu u sheegen xili ay kulamo kala duwan isku arkeen.
Nabadoon Beyle, ayaa Madaxweynaha Jubbland ku eedeeyay inuu bixiyay amarka Odayaashaasi looga soo musaafuriyay Magaalada Kismaayo, halka xarigooduna uu ku eedeeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha.
“Nabadoonada oo ku sugan guryahooda ayaa waxaa xirxiray ciidamo ka tirsan maamulka, xariga waxaa ka danbeeyay ninka la yiraahdo Darwiish, amarka lagu soo musaafuriyayna waxaa iska lahaa Axmed Madoobe.”
”Waa nasiib darro haddii marba leysku xiraayo sidee u dhaliili kartaan maamulka, kaliya Odayaashu waxa ay dhaliil waxqabad xumo ah u jeediyeen maamulka wax kale ma aysan sameyn”
Dhanka kale, Odayaashaani ayaa waxa ay iminka ku sugan yihiin magaalada Muqdisho, kuwaasi oo musaafurintooda loo cuskan cadaaladda.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

