27.9 C
Mogadishu
Monday, May 4, 2026

XASAN oo wada qorshe xanuujin doona KENYA

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) –  Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa markii ugu horeysay si adag kaga hadlay dhibaatada bulshada Soomaaliyeed uu ku hayo ictismaalka maandooriyaha Khaad-ka.

Isaga oo ka jawaabayay su’aalo ay weydiinayeen qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ayaa waxaa madaxweynaha uu sheegay in dowlada Soomaaliya ay diyaarineyso qorshe canshuur badan looga qaadayo khaadka dalka la keeno.

Madaxweyne Xasan Sheikh, ayaa si cad u sheegay in canshuurta ugu badan ee la qaado laga qaadi doono Khaadka laga keeno dalka Kenya oo dhibaato badan ku haya bulshada Soomaaliyeed, wallow dad badan ay masruuf ka helaan.

Xasan Sheikh, ayaa sidoo kale sheegay in dowlada Soomaaliya ka warheyso dhibaatada bulshada kala kulmaan isticmaalka Khaadka, ayna diyaarinayaan qorshe ay canshuur badan kaga qaadayaan khaadka magaalada Muqdisho laga soo dajiyo.

Arintaasi ayuu sheegay iney qeyb ka qaadan doonto isticmaalka Khaadka oo Soomaalida u badan tahay.

Tan iyo waxii ka dambeeyay markii dowlada UK iska joojisay Khaadkii laga qaadi jiray dalka Kenya ayaa waxaa SOomaaliya lagu soo badiyay khaadka ka imaanaya dalka Kenya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News