28.9 C
Mogadishu
Saturday, February 14, 2026

Fadeexad: Wasiirada DFS iyo iibsashada Visaha

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku xigeenka wasaarada ciyaaraha iyo dhalinyarada dowlada Soomaaliya ayaa banaanka soo dhigay fadeexad ka dhex taagan wasaaradaasi, kadib markii la iibsaday Viisooyin loo qorsheeyay dhalinyaro ka qeyb gali laheyd shirka aayaha Soomaaliya ee ka dhaca dalka Turkiga Bishaan.

Cismaan Aadan Dhuubow, ayaa sheegay in wasiirka wasaaradaasi iyo shaqsiyaad kale oo wasaarada ka tirsan ay suuqyada ku iibsadeen Viisooyinka la qorsheeyay in dhalinyarada gobolada dalka kaga qeyb galaan shirka ka dhacaya dalka Turkiga ee looga hadlayo Hiigsiga Soomaaliya.

Wasiir ku xigeenka, ayaa sheegay in wasiirka wasaarada dhalinyarada iyo cayaaraha Soomaaliya uusan la tashan shaqaalaha kale ee wasaarada, uuna si hoose u iibsaday Viisooyinka gaaraya 20, sida uu hadalka u dhigay.

“Wasiir Nuux iyo rag ka tirsan Madaxtooyada ayaa si cad Suuqyada ugu iibsanayeen Viisooyinka in ka badan 20-Viiso oo loogu tala-galay inay Dhalinyarada Soomaaliyeed ee gobolada iyo caasimadda ku nool ugu qeyb-galaan shirka ka dhacaya Turkey” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Dhalinyarada Cusmaan Dhuuboow

Ma jiro jawaab laga helay dhanka wasiirka wasaarada dhalinyarada xukuumada Soomaaliya, waxaase soo baxaya warar sheegaya in hal fiiso lagu dhufsaday lacago badan oo wasiirka iyo xubno madaxtooyada ka tirsan ay qaateen, sida uu sheegay Mr Dhuubow.

Caasimada Online
Xafiisma Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News