Axmed Madoobe oo ‘sacabo maran diray’ saaxiibada FARMAAJO iyo ROOBLE

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ku guuleystay in labo kursi oo kamida Golaha Shacabka dhaafiyo labo nin oo saaxiibo dhow yihiin madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Labada Nin ayaa kala ah Cabdi Cali Raage oo ah La-taliyaha dhinaca doorashooyinka ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Cabdixakiin Xasan Ashkir oo asaguna ah Wasiiru-dowlaha xafiiska Ra’iiusl Wasaare Rooble.

Cabdi Cali Raage oo rabay in uu isku soo taago kursiga HOP#072 ayaa laga xirtay, sida uu warbaahinta u sheegay, waxaana maanta kusoo baxay Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo hore ugu fadhiyay.

Cabdi ayaa sheegay in loo diiday warqada dambi la’aanta iyo shahaadada musharaxnimada, islamarkaana ku dooday in odayaasha soo xulay ergada kursigaas ee liiskooda la soo saaray aysan aheyn kuwii saxda ahaa ee beesha.

Sidoo kale kursiga tirsigiisa uu yahay HOP#079 oo isku soo taagay Cabdixakiim Xasan Ashkir ayaa laga hoos bixiyay, ayada oo maanta uu ku soo baxay Maxamuud Muxumed Cumar (Kuulow).

Labada Nin ayaa waji-gabax kala soo laabanaya Kismaayo oo ay u tageen labadaas kursi, waxayna midaan marag ma doon u noqoneysa awooda ay madaxda maamulada ku leeyihiin doorashada Golaha Shacabka, oo aheyd in loo madax-baneeyo beelaha iska leh kuraasta.

Doorashada Golaha Shacabka ee dalka ka socota ayaa waxaa inta badan kusoo baxay mudaneyaal dooranayaal ah oo hore loo sii oga guushooda, taasi oo meesha ka saareysa daah-furnaanta doorashada, oo dhowr jeer dhinacyada ku cel-celiyeen, wuxuuna hadda xaalku maraya da-dajiya doorashada hanaankii la doono ha loo maamule.