Daawo: Culumo fariin adag u dirtay madaxda Soomaalida, kadib dilkii Sheekh C/Naasir

Kismaayo (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee geerida Sheekh Cabdinaasir Xaaji Axmed oo maanta lagu dilay magaalada Kismaayo, kadib markii qarax loogu xiray gaarigiisa ayaa aad u taabatay dad badan oo Soomaaliyeed, sidoo kale inta badan madaxda Soomaalida ayaa ka hadashay geerida Sheekh Cabdinaasir.

Sheekh oo fadhigiisa ugu weyn uu ahaa magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa Kismaayo u tegay bixinta duruus diini ah, waxaana lala qarxiyey seddax wiil oo dhalinyaro ah oo la socday, kana tirsanaa xertiisa Kismaayo, labo ka mid ah dhalinyaradaas ayaa dhaawacmay, waxaana geeriyooday Sheekha iyo wiil kale.

Sheekh Cabdinaasir ayaa marar badan muxaadarooyin uu qabtay uga hadlay qaraxyada ay fuliyaan Al-Shabaab iyo sida qofka is-qarxiya ama qof kale qarxiya uu Allaah uga fogaanayo.

“Dadka is-qarxinaya ee leh Alle ayaan ugu dhawaaneynaa, waxaan u sheegayaa in arrintaas aysan banaaneyn, inaad naftaada disho ama mid kale disho marnaba kuuma banaana, maalinta qiyaamaha qofkii is-dilay, isagoo Naarta ku jira ayuu sidii oo kale isku dilayaa mar walba, waxaa laga yaabaa in mararka qaar uu qofku isku qarxiyo oo laayo dad badan, waxaan u sheegayaa dhalinyarada la qaldaayo in dembiga dadka aad disho oo dhan aad qiyaamaha dusha saara doonto,” ayuu horay u yiri AUN Sheekh Cabdinaasir.

Qaar ka mid ah culumada Soomaaliyeed oo aad ugu dhawaa Sheekha ayaa shir jaraa’id qabtay caawa, iyagoo shaaciyey sida ay uga xunyihiin dilka Sheekh Cabdinaasir.

Waxay Allaah ka baryeen inuu banaanka soo dhigo kuwii dilay Sheekh Cabdinaasir, sidoo kale culumadaan waxay sheegeen in magaalada Kismaayo uu duruus diini ah ka waday Sheekha, isla markaana uu qorshihiisu ahaa inuu magaalada sii joogo mudo bil ah.

Culumadii hadashay ayaa dowladda dhexe iyo maamullada Soomaaliya waxay ku canaanteen inay Alle ka baqaan oo u soo jeestaan masuuliyadooda, cadowgana ay ka qabtaan dadka ay u dhaarteen, inta meesha ka saaraan is qabqabsiga u dhaxeeya ee aan macnaha ku fadhin.

Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Rooble, qaar ka mid ah wasiirrada iyo masuuliyiinta kale ee dowladda federaalka, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, culumo iyo dad kale oo aad u badan ayaa ka tacsiyadeeyey geerida AUN Sheekh Cabdinaasir Xaaji Axmed.

Hoos ka daawo Sheekh Cabdinaasir oo horay loo su’aalay dunuubta qaraxyada

Hoos ka daawo culumadii ka hadashay dilka Sheekh Cabdinaasir