Saldhig ay leeyihiin ciidanka Amisom oo gubtay kadib…

Balcad (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dab xoogan oo maanta ka kacay saldhig ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM ay ku leeyihiin deegaanka Haanshiikh ee duleedka waqooyi ee magaalada Balcad.

Dabka oo ka dhashay Koronto ay isticmaalayeen ciidamadaas ayaa ku fiday qaybo badan oo ka mid ah saldhigga, gaar ahaan baqaaro ay ku jireen hub iyo rasaas.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxyo xoogan ay sameeyeen rasaasta iyo hubka uu dabka qabsaday, sida ay innoo sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka.

Dhacdadaan ayaa keentay inay cabsi xoogan soo wajahday dadka deegaanka oo markii hore u maleeyey in lasoo weeraray deegaanka iyo saldhigga AMISOM.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in goor dambe lagu guuleystay in la damiyo dabkaas oo geystay khasaare xoogan.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca saraakiisha AMISOM oo ku aadan dhacdadaas iyo inta uu la’egyahay khasaaraha ka dhashay dabkaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana si caadi ah kusoo noqday dhaq-dhaqaaqa deegaanka Haanshiikh oo ku yaalla duleedka waqooyi ee magaalada Balcad.