Axmed Madoobe oo safar kale ku tagey Dhoobley iyo Jubaland oo wada qorshe

Dhoobley (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta mar kale safar ku tagay magaalada Dhoobley ee gobolka Jubada Hoose, xilli Jubaland ay waddo qorshe ay ku kordhineyso ciidankeeda

Safarka madaxweynaha Jubaland ayaa waxaa ku weheliya xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Jubaland iyo sarakiisha ciidamada kala duwan ee maamulkaas.

Ujeedada madaxweynaha Jubaland ee magaalada Dhoobley ayaa lagu sheegay inay tahay dar-dar gelinta ciidamo lagu tababarayo halkaas oo ka mid ah kuwa Jubaland.

Axmed Madoobe ayaa safarkii kan ka horeeyey ee uu ku tagay Dhoobley waxa uu tababar ciidan ugu soo furay xero ay dhowaan halkaas ka hir-gelisay dowlad goboleedka Jubaland.

Axmed Madoobe oo maalmo ka hor soo gaabiyay safar shaqo oo uu Dhoobley ku joogay ayaa magaalada Kismaayo waxaa uu ku daah furay kal-fadhiga labaad ee baarlamanka dowlad goboleedka Jubaland, halkaas oo uu ka jeediyey khudbad meelo badan taabaneyso oo uu ku dhaliilay dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Axmed Madoobe wuxuu inta uu joogo magaalada Dhoobley kula kulmi doonaa saraakiisha ciidamada iyo qeybaha kala duwan ee deegaanka.

Safarka Axmed Madoobe ee Dhoobley ayaa kusoo aadaya xilli ay weli taagan tahay xiisaddii u dhaxeysay ciidamada Jubaland iyo kuwa ay dowladda Soomaaliya geysay qeybo ka mid ah gobolka Gedo.

Mamaulka Jubaland ayaa dhowaanahay kordhiyey ciidamada ay qoranayaan xilli xiisadda kala dhaxeysa dowladda dhexe ay isku rogtay mid dagaal.