Sacuudi Carabiya oo dal ku galkeeda u diiday 9 wadan oo laga helay Coronavirus

Riyadh (Caasimada Online) – Dowladda Sacuudiga ayaa markii ugu horeysay xayiraad toos ah oo dhanka safarada ah kusoo rogtay qaar ka mid ah wadamada laga helay Cuduruka Corona-Virus oo si aan caadi aheyn ugu faafayo adduunyada.

Sacuudiga ayaa sheegtay inay xayiraad kumeel gaar ah kusoo rogtay safarada muwaadiniinta u dhalatay illaa 9 wadan oo laga helay cudurka Coronavirus.

Dowladda Sacuudiga ayaa sababta xayiraadaas ku sheegtay inay tahay sidii loo xakameyn lahaa faafitaanka cudurkaas oo gilgilay dunida oo dhan kaasoo markii hore kasoo bilowday wadamada Shiinaha.

Wakaaladda wararka ee Sacuudiga ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaan SPA ayaa sagaalka wadan ee ee muwaadiniinteeda xayiraadda la saaray ku kala sheegtay:

  • Imaaraadka
  • Baxreyn
  • Lubnaan
  • Kuwait
  • Kuuriyada Koonfureed
  • Masar
  • Suuriya
  • Ciraaq
  • Iyo Talyaaniga

Sidoo kale Wakaaladda SPA ayaa sheegtay in go’aanka uu la socdo amar kale oo ah in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo dhammaan muwaadiniinta wadamadaan kasoo jeedo ee Sacuudiga soo galay 14-kii maalin ee ugu dambeysay.

Sidoo kale waxaa lasoo saaray amar lagu joojinayo duulimaadyada Hawada iyo Badd ee u dhaxeeyo Boqortooyada iyo dalalka sagaalka ah ee cudurkaan laga helay.

Cudurka Coronavirus ayaa maalinba maalinta ka dambeyso kusii faafayo wadamo cusub oo ku yaalo adduunyada, waxaana ilaa hadda lagu guuleysan la’yahay sidii looga hortagi lahaa faafintaanka cudurkaan.