Axmed Madoobe oo u digay DF Soomaaliya (Dhageyso)

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa ka digay qalalaase siyaasadeed oo ka dhacay Soomaaliya, haddii dowladda federaalka ay doorashada waqtigeeda ku qaban wayso.

Axmed Madoobe oo warbaahinta la hadlay kadib shirkii Garoowe ugu soo dhammaaday Puntland iyo Jubaland, ayaa ka digay in muranka iyo is-qab-qabsigu sii socdo, taasi oo sida uu sheegay xasilooni-darro iyo qal-qal amni gelinaysa xaaladda waddanka.

“Waa in laga shaqeeyaa sidii doorasho ay ku dhici lahayd, waqtigeedana ugu dhici laheyd, qal-qal siyaasadeedna uusan u iman, sababtoo ah marka aad waqtiga dib u eegto, isbeddelka siyaasadeed ee waqtigiisa ku dhacaa wuxuu Soomaaliya u gaystay tallaabooyin horey loo qaaday, wax kasta oo markaa caqabad ku keena ayada ayuu dhibaato ku yahay,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Jubaland, ayaa sidoo kale sheegay in marxaladda kala guurka ah ee dalku haatan marayo, ay tahay mid u baahan dulqaad iyo isu-tanaasul dheeri ah, si looga heshiiyo hannaanka doorashada 2020/2021.

Axmed Madoobe, ayaa sidoo kale sheegay in dadka Soomaaliyeed ay ayaga isku dan yihiin, islamarkaana aysan wax dan ah ugu jirin in meel kale wax looga soo guuriyo.

Madaxweynaha Jublanad ayaa sheegay inay dhankooda diyaar u yihiin inay waxyaabo badan ay danta dalka dartiis uga tanaasuleen, ayna doonayaan kaliya xalka Soomaalida.