Baasabooro iib ah: Dalalka caalamka ee baasaboorada iibiya iyo qiimaha mid walba

Zahra Axmed GacalBy Zahra Axmed Gacal

Mudisho (Caasimada Online) – Waxaa jirta duni gaar ah oo la yiraah “maal-gelinta socdaalka”, halkaas oo codsiyada baasaboorrada ay ku saleysan yihiin dhalasho ama muwaadinimo, laakiin ujeedku waa in dhaqaale laga sameeyo iyo in adduunka lagu maro.

Waxaa jira wax loogu yeero barnaamijyada maalgelinta muwaadinnimada ama loo soo gaabiyo CIP, kaasi oo dhalashada lagu iibiyo, loona yaqaan “dalku galka dahabiga ah.” Waa hanaan loogu talo galay shaqsiyaadka aad qaniga u ah ee doonaya inay helaan dhalashada dalal.

Shantii ilaa tobankii sano ee lasoo dhaafay, dadka hantidoodu dhantahay $2million ilaa $50 million oo ka qayb qaatay barnamijyada maalgelinta muwaadinnimada waxaa dhiiri geliyay dhaq-dhaqaaqa xorta ah, canshuur dhaafka iyo qaab nololeedka kale.

Qorshaha B

“Dadku waxay xaqiiqdii doonayaan siyaasadda caymiska ee muwaadinimo kale, taasi oo siineysa qorsho labaad,” ayuu qaybta socdaalka ee CNN u sheegay Dominic Volek oo ka tirsan shirkadda Henley & Partners.

“Dadka qaniga ah ma qorsheeyaan shan sano illaa 10-sano – waxay qorsheeyaan in ka badan 100 sano.”

Shirkadda Henley & Partners, in kastoo aysan caddeyn u heyn waxay tuhunsantahay in kororka barnaamijka maal-gelinta muwaadinimadda lala xiriirin karo Coronavirus.

Shirkaddu waxay diiwaan gelisay 49% kororkii sanadba-sanad intii u dhexeysay bilihii January iyo June ee sanadkan 2020-ka.

Dadka codsiyadda diiwaan geliyay ayaa sidoo kale waxay kor u kaceen 42% markii la bar-bar dhigo rubacii u dambeeyay ee sanadkii 2019-kii, rubaca u horreeyay ee sanadkan 2020-ka.

Dalalka baasaboorada iibiya iyo qiimaha

Markii ay timaado muwaadinimo gaar ah, Montenegro iyo Cyprus ayaa ugu caansan dalalka iibiya dhalashada, waxayna baasaboorada ay iibiyaan kordheen 142%, iyo 75%, sida ay u kala horreeyaan, markii la bar-bardhigo rubacii u horreeyay 2020, isla xilligaas sanadkii hore. Malta ayaa sidoo kale aad loo daneynayaa.

“Dad badan oo ah kuwa ladan ayaa daneynaya Cyprus iyo Malta, sababtoo ah waxay u damaanad qaadayaan qofka muwaadinmida ka codsaday iyo qoyskiisa ay helaan baasaboor Midowga Yurub ah” ayuu yiri Volek.

Waxa uu intaas ku sii daray, “Keliya ma ahan xoriyadda weyn ee dhaq-dhaqaaqa, laakiin sidoo kale waxbarashadda iyo caafimaadka ayey uga fiicanyihiin dalalkooda.”

Degista Australia iyo New Zealand ayaa sidoo kale aad loo dalbadaa, laakiin sabab kale ayaa meesha ku jirta, oo ah maareynta xasaradaha.

$ 6.5 milyan oo maalgashi

Keliya qoysaska dadka qaniga ah ayaa qaadan kara barnaamijyadda deegaanka, Australia barnaamijkeedu waxaa uu ka kacayaa qiimo dhan $1 ilaa 3.5 million, halka New Zealand uu dhanyahay $1.9 ilaa $6.5 million.

“Barnaamijka New Zealand waa uu fududyahay marka loo eego waxa ay tahay in aad maal gashato, maadaama aadan adigu shakhsi ahaan hantida u isticmaaleynin” ayuu sharaxay Volek. “Dad badan ayaa NZ uga maalgashaday $10 million beero ganacsi. “

Dadka codsanaya barnaamijkaan ayaa sidoo kale is bedeya,  muwaadiniinta Maraykanka, Nigeria, Lebanon iyo Hindiya ayaa ugu badan dadka codsanayay sagaalkii bilood ee lasoo dhaafay.

Muwaadiniinta Maraykanka ee barnaaminkaan codsanaya 700% gaaray rabacii hore ee sanadkaan, markii la bar-bar dhigo rubacii u dambeeyay ee 2019-kii.

Shaqsiyaadka qaniga ah waxay ku biireen maalgashadeyaasha kasoo jeeda Shiinaha iyo Bariga Dhexe.