Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa ka hadlay dagaalada ka dhacaya magaalada Gaalkacyo.
Axmed Madoobe ayaa nasiib daro ku tilmaamay dagaalada magaalada Gaalkacyo islamarkaana sheegay in labada maamul dhowri waayeen hishiiskii magaalada Dubai.
Wuxuu ku booriyay madaxda labada maamul iney eegaan dhibaatada dagaalka leeyahay ayna ilaaliyaan hishiiskii dhigayay in xabada la joojiyo lana dhameeyo waxyaabaha qilaafka keenay.
Axmed Madoobe ayaa sheegay iney magaalada Gaalkacyo u diri doonaan wafdi dhexdhexaadin ka sameeya dagaalada ka dhacaya magaaladaasi.
Sidoo kale wajiga labaad ee hishiiskii magaalada Dubia ayuu sheegay in 13 maalin kadib uu ka dhici doono magaalada Kismaayo oo maamulka Jubbaland uu ku shaqeeyo.
C/Welli Gaas iyo C/kariin Guuleed ayuu u diray fariin adag oo ah iney si dhaqso ah u joojiyaan dagaalada lana dhaqan geliyaa hishiiska nabadeynta magaalada.
Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

