Ayatollah Ali Khamenei oo shaaciyey inuu jiro qorshe lagu afgambinayo dowladda Iran

Tehran (Caasimada Online) – Hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa Sabtida maanta ah ku eedeeyay dibad baxyadii dhawaan ka dhacay Iran in ay ka danbeeyeen “cadow” shisheeye oo doonaya in ay afgambiyaan dowladda ka talisa Jamhuuriyadda Islaamiga ah.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in waxa uu ugu yeeray cadawgu ay Iran ku wadaan “dagaal nafsi ah” oo ay ku eedeynayaan fal burcad-badeednimo ah in ay ku qabsatay laba markab oo laga leeyahay dalka Greece, ka dib markii Maraykanku uu la wareegay saliid ay Iran leedahay.

“Maanta, rajada ugu muhiimsan ee cadawgu ka qabo in ay dalka dharbaaxo ay ku dhuftaan waxa ay ku salaysan tahay bannaanbaxyada dadweynaha,” ayuu yidhi Khamenei, isaga oo ula jeeda mudaaharaadyo muddo toddobaad ah socday oo ay dadku kaga soo horjeedeen dhisme bishii hore ku burburay koonfur-galbeed Iran oo ay ku dhinteen 37 qof.

“Laakiin cadawga waa ay ka qaldantay sida uu wax u qorsheeyay sidii kuwii horeba” ayuu ku yiri khudbad TV-ga laga baahiyay oo uu ka jeediyay sanadguuradii 33-aad ee geeridii hoggaamiyihii kacaanka Islaamiga ah ee 1979-kii la wareegay talada Iran, Ayatollah Ruhollah Khomeini.

Mareykanka oo cunnaqabateyno adag saaray Iran ayaa bishii April la wareegay shixnad shidaal ah oo ay lahayd Iran taasi oo saarnayd markabka Pegas oo sittay calanka Iran, ayna qabteen ciidanka badda ee Greece. Iyadoo tallaabadaasi ka aargudaneysa ayay Tehran laba markab oo laga leeyahay Greece waxa ay la wareegtay 27-kii May.

Laakiin, Khamenei ayaa sheegay in warbaahinta caalamku ay Iran ku eedaysay burcad-badeednimo. “Waa ayo burcad-badeeddu halkan? Shidaal ayaad naga xadday. Waan kaa soo ceshannay. Wax lagaa xaday oo aad la soo noqoto ma ahan burcadnimo” ayuu yiri.

REUTERS + VOA