Musharaxii madaxweyne Museveni la tartamay oo ku sugan Hargeysa + Sawirro

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland ku sugan hoggaamiyaha mucaaradka dalka Uganda Bobi Wine, halkaasi oo uu ugu qeybgalayo shirweyne caalami ah oo lagaga doodaayo Nabadda iyo dawlad-dhiska.

Shirkan ayaa waxaa soo qaban qaabiyey Machadka “The Brenthrust Foundation ee dalka Koonfur Afrika ee uu hoggaamiyo Dr. Greg Mills.

Bobi Wine oo ah nin dhalinyaro Siyaasi ah, ayaa wuxuu kusoo caan baxay Fannaannimo, markii danbena wuxuu xuubsiibtay siyaasi, isagoo noqday Xildhibaan hore iyo Musharrax Madaxweyne oo qalqiil geliyay madaxweynaha Uganda Yuweri Museveni, dhowr marna xabsiga la dhigay.
Shirkan oo diirada lagu saarayo nabada iyo dowlad dhiska Afrika, ayaa lagu marti qaaday dad iskugu jira cilmi baarayaal, aqoonyahanno, siyaasiyiin, saxafiiyiin iyo haldoor kale oo ka kala yimid ilaa 17 waddan. Shirkan ayaa sannadkasta lagu casuumaa waddamada Afrika ee muhiimka u ah nabada iyo degenaanshaha.
Dr. Greg Mills ayaa ka sheekeeyey nuxurka shirka sheegayna inuu salka ku hayo amniga iyo dhismaha dawladnimada, waxana uu tilmaamay inuu yahay shirkii ugu horreeyey ee machadkani ku qabto waddamada Geeska Afrika, islamarkaana ay ka maamul ahaan si buuxda ugu qushuucsan yihiin amniga, nabadda iyo xasiloonida ka jirta Somaliland, sida madaxtooyada Somaliland sheegtay.
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo isagu shirka daahfuray, ayaa ka hadlay taariikhda dheer ee ay Somaliland soo martay, dagaaladii, nabadayntii iyo dib u dhiskii maamulkaasi, madaxweynaha ayaa sheegay in nabada Somaliland ay ku guulaysatay kadib markii khilaafaadka lagu xaliyay heer bulsho.