Daawo: Darbaweyne oo digniin u diray Xasan Sheekh, weerarna ku qaaday Odawaa

Muqdisho (Caasimada Online) – Muxudiin Darbaweyne oo ka mid ah odayaasha dhaqanka ee magaalada Muqdisho ayaa aad u dhaliilay Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage, isagoo digniin u diray Madaxweyne Xasan Sheekh.

Ugu horeyn Muxudiin Darbaweyne ayaa Jeneraal Odawaa ku tilmaamay shakhsi aan arkin awoodiisa, kuna guul dareystay inuu ka dhiidhiyo sidii xumeed ee nidaamkii Farmaajo uu dadkiisa ula dhaqmay.

“Wuxuu ahaa maqaarsaar, yacni waa qof bug ah, wuxuu ogyahay sida meesha lagu geeyey, wax tayo ah laguma xulan, dadkii Farmaajo la shaqeynaayey waxay ahaayeen kuwo uu markii hore aad isaga tijaabiyey, hadii dad karti iyo tayo leh uu rabo muxuu aniga ii soo xula waayey Farmaajo?” ayuu yiri Muxudiin Darbaweyne.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Jeneraal Odawaa Shantii sano ee la soo dhaafay kama hadlin dhibootoyiinkii loo geystay shacabka Gobolka Banaadir.”

Dhinaca kale Muxudiin Darbaweyne oo wareysigaan siiyey TV-ga Goobjoog ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh uga digay dad uu sheegay inay Farmaajo jaajuus u ahaa jireen oo hadda isaga xilal u soo duuntay.

“Madaxweyne Xasan Shiiqow nimanaa gacmaha dhiiqo kuu geli raba, nimankii aan shan sano ka dhuuma jirnay oo aan ka shiri weynay oo Farmaajo noo soo diri jiray, iyagoo qalimaanta wax duubta wata oo NISA nagu soo jaajuusi jiray ayaan hadda arkaa iyagoo kugu meereysanaaya oo xilal kaa raba,” ayuu yiri Muxudiin Darbaweyne.

Sidoo kale Muxudiin Darbaweyne ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh kula taliyey in aad uu isaga fiiriyo Ra’iisul wasaaraha uu keensanaayo, “Waxaan Madaxweynaha kala talinayaa xulashadiisa R/Wasaaraha, yuusan kugu noqon ragii hore oo seddax sano ay kugu qaadatay inaad bedesho, kadibna adigoo qabyo leh ayaad xafiiska ka baxday, hasoo xulan nin dambe oo dadkiisu aysan cesha karin markii aad is qabataan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Muxudiin Darbaweyne.

Hoos ka daawo