Baadi goobka kaalmada dagaal ee madaxweyne Xasan Sheekh

Kampala (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safar ku joogo dalka Uganda, halkaas oo ay kaga billaabatay booqasho rasmi ah.

Socdaalka madaxweynaha ayaa la xaqiijiyey inuu daaran yahay kaalmo la xiriirta dagaalka dalka ka socda ee looga soo horjeedo kooxda Al-Shabaab, taasi oo tacdadiyo dhowr waji ah geysatay sanadihii lasoo dhaafay.

Ilo-wareedyo ku dhow Villa Somalia ayaa xaqiijiyey inuu madaxweynuhu maalmahaan ku mashquulsan yahay inuu dagaalka Al-Shabaab u helo kaalmo u badan hub, si uusan u fashilmin kacadoonka ka socda dalka.

Iyadoo beelaha Soomaaliyeed qaarkood ay muujiyeen sida ay u karaan inay iska saaraan kooxda Al-Shabaab ayaa dhinaca kale deegaanada qaar waxaa laga soo wariyey hub la’aan.

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu dhawaan tagay wadanka Itoobiya, waxaa la sheegay inuu laba shaqo kusoo guuleystay.

Mid waa in isaga iyo dowladda Itoobiya si fiican isku qaateen oo uu meesha ka saaray mad-madowgii Itoobiyaanka ka qabeen maamulkiisa cusub, midda kalena waa inay ka aqbaleen inay qeyb ka noqdaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Itoobiya ayaa la filayaa inay deegaanada u dhow dhow ka bilowdo beegsiga Al-Shabaab, halka ay sirdoonka labada dalna toos isaga kaashanayaan xogaha dagaalka, waa sida la sheegay inay ku heshiiyeen Xasan Sheekh iyo Abiy Ahmed.

Safarkaan madaxweyne Xasan Sheekh ee Uganda wuxuu daaran yahay codsi hub, si loo xoojiyo dagaalka Al-Shabaab, ayuu yiri qof xog-ogaal u ah safarkaan.

Villa Somalia iyaduna waxay sheegtay in labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Uganda ay ka wada-hadlayaan dagaalka argagixisada iyo inuu madaxweyne Xasan Sheekh ka qeyb-galaayo lixdan guurada xoriyadda waddanka Uganda.

Uganda waa dalka ugu badan oo ay ciidamo ka joogaan Soomaaliya, kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka la yiraahdo ATMIS. Inay madaxweyne Xasan Sheekh iyo Yoweri Museveni isla qaataan qadiyaddaan wax badan ayey ka tari doontaa dagaalka socda, ayey leeyihiin falanqeeyaashu.

Doorka ciidanka ATMIS ee dagaalka looga soo horjeedo Al-Shabaab ayaa daciif ah waqtigaan. Safarka madaxweyne Xasan kadib waxaa jirta rajo ah inay ATMIS oo horey AMISOM loo oran jiray ay kaalin fiican ku yeelan doonaan dagaalka socda.

Sidoo kale, waxaa jira warar dheeri ah oo sheegaya inuu madaxweyne Xasan Sheekh dhawaan booqan doono boqortooyada Sacuudiga isagoo dhaqaale u raadinayo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Sacuudiga ayaa kamid ah dalalka dhaqaale ahaan u taageera dowladda Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh oo 5 bilood xafiiska jooga wuxuu muujiyey ka go’naanshaha dagaalka Al-Shabaab, taas oo ay dad badan ku taageereen oo ay xataa mucaaradkiisa ku jiraan.

Kooxda Al-Shabaab ayaa Soomaaliya ku laysay kumanaan ruux oo shacab ah dhowr iyo tobankii sano ee lasoo dhaafay, balse hadda waxay u muuqdaan kuwa taagan gunaanad, kadib markii shacabkii si buuxda uga hor yimaadeen dhaqamada kooxda.