Haweenka Soomaalida Belgium-ka oo xaflad ku maamuusay safiirka Benelux iyo Midowga Yurub (Video)

Brussels (Caasimada Online) – Kulan ballaaran oo ay soo abaabuleen ururka haweenka Soomaalida Benelux ayaa Sebtidii lagu qabtay Magaalada Gent, ee waddanka Beljium-ka. 

Munaasabaddan, oo ay soo agaasintay Guddoomiyaha ururka haweenka Soomaalida Beljium-ka  Canab ayaa dadkii ka soo qeybgalay waxaa ka mid ahaa safiirka Soomaaliya u fadhiya waddamada Benelux iyo Midowga Yurub Danjire Yoonis Yaasiin Xaashi, Guddoomiyaha Jaaliyada Soomaalida Gent Abshir Axmed, Guddoomiye ku-xigeenka dalladda FSAN ee fadhigeedu yahay Netherland C/qaadir Cali Nuune, masúuliyiin ka socotay Jaaliyada Soomaalida Beljium iyo waxgarad isugu jira rag iyo haween. 

C/qaadir Nuune oo ku hadlayay codka Soomaalida ku dhaqan Netherland ayaa soo dhoweeyey dedaalada safiirka ee ku aadan sidii dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan waddamada Beljium iyo Netherland iyaga oo middeysan ay kaga qeybqaadan lahaayeen caawinta dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen. 

“Anigoo ku hadlaya magaca Jaaliyadaha Soomaalida ee ku dhaqan Netherland waxaan u xaqiijeynaa safiirkeena Yoonis in reer Holland ay diyaar u yihiin wax walba oo kor loogu qaadayo magaca iyo sumcada Soomaaliyeed” Ayuu yiri C/qaadir Nuune. 

Danjire Yoonis ayaa noqonaya danjirihii ugu horreeyey ee ka socda Dowlad Soomaaliyeed wixii ka dambeeyay qaran-jabkii dalka ka dhacay, ee soo gaara fagaarayaasha ay isugu yimaadaan Jaaliyadaha Soomaalida, wuxuuna marar badan ka soo dhexmuuqday shirarka ay isugu yimaadaan Jaaliyadaha Soomaalida Beljium iyo Netherland. 

Danjire Yoonis, wuxuu ku guuleystay muddadii uu xafiiska joogay inuu soo celiyay billicdii iyo quruxdii safaarada Soomaalidu ku laheyd Beljium, waxaanna socda olole ay hormuud u yihiin Soomaalida Netherland oo lagu nadiifinayo gurigii martida ee ay safaaradu laheyd. 

Halkan ka daawo