Maxay Qaramada Midoobay ka tiri tahriibayaashii lagu gubay xeebaha LIIBIYA?

Taripoli (Caasimada Online) – Qaramada Midoobay ayaa si adag cambaareysau dilkii ugu foosha xumaa ee loo geystay 15 tahriibayaal ah oo Axaddi ka dhacay ka dhacay meel u dhow xeebaha magaalada Sabratha ee Liibiya, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay howlgalka QM ee dalkaasi.

Qaramada Midoobay ayaa ku eedeysay dilkaas inay ka dambeeyeen kooxaha mukhalasiinta ah ama dilaaliinta wax tahriibiya.

Sidoo kale waxa ay QM ayaa dalbatay in kooxaha falkaas ka dambeeyey si deg deg ah cadaaladda la horkeeno, si looga qaado tallaabada ku haboon dhibaatada ay geysteen.

Meydadkan ayaa subaxnimadii Jimcihii laga helay meel xeeb ah, waxaana intooda badan ay ku dhinteen dooni gubatay, sida ay sheegeen howlgalka Qaramada Midoobay ee Liibiya iyo Bisha Cas ee isna dalkaas ka hawlgala.

“Iyada oo weli lagu mashquulsan yahay in la ogaado xaaladda dhabta ah, ayaa haddana wararka hordhaca ahi waxay sheegayaan in dilkan uu ka dhashay, iska dhac dhexmaray kooxaha wax tahriibiya” ayaa lagu yidhi warbixinta ka soo baxday xafiiska QM ee Liibiya.

Waxay ku boorisay masuuliyiinta Liibiya, inay si deg-deg ah u bilaabaan baadhitaan madax-banaan oo daahfuran si cadaaladda loo horkeeno dembiilayaashii ku luglahaa falkaas.

Waddanka Liibiya ayaa ah marin muhiim ah oo si qarsoodi ah looga tahriibiyo dadka ku sii jeeda dalalka reer Yurub.