Baarlamaanka Puntland Oo Dagaal iclaamiyay iyo xaalad kacsanaan ah oo kajirta deegaanka Tukiraq.

Garoowe-(Caasimadda online)-Kulan Maanta Magaalada Garoowe ay ku  yeesheen Baarlamaanka Maamulka Puntland  ayaa waxaa ay ku go’aamiyeen in Ciidamada Puntland ay gacanta ku dhigaan degaanka Tukaraq ee gobalka Sool oo dhawaan ay dagaal kula wareegeen Ciidamo ka Amar qaata Maamulka Soomaaliland.

Axmed Cali Xaashi  Gudoomiyaha baarlamaanka ee Maamulka Puntland oo maanta saxaafada kula hadlayay Magaalada Garoowe ayaa cadeeyey in aan marnaba loo dulqaadan doonin faragalinta Somaliland, wuxuuna sheegay in ay baarlamaanku amreen in la qaado Talaabo lagu difaacayo xaduudaha iyo deegaanada Puntland.

Sidoo kale Gudoomiyaha baarlamaanka ayaa  amar ku bixiyay in  Xukuumada  ay qaado talaabo dagaal, ayna tahay waajib dhameystiran oo laga sugayo ayna u balan qaaday Shacabka Puntland ee ay xilalka u hayaan.

Warkan  ka soo baxay Mudanayaasha Puntland ayaa ku soo aadayaa  xili degaanka tukaraq ee gobalka Sool ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan Maamulka Soomaaliland,inkastoo dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga laga dareemayo degaankaasi,kuwaasi oo ay sameeynayaan Labada Maamul ee ka Soo kala Jeeda Puntland iyo Soomaaliland.

Shacabka ku nool Degaanka Tukaraq ee gobalka Sool ayaa Cabsi badan Waxaa ay ka muujinayaan in korkooda ay ku dagaalamaan Ciidamo kala Taabacsan maamulada Puntland iyo Soomaaliland.

Caasimada Online

Xafiiska Cadaado

Caasimada@live.com