Banaanbax ka Dhan ah shirka midnimada galmudug oo ka dhacay Cadaado

Cadaado-(Caasimadda Online)-Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud waxaa maanta ka dhacay Banaanbax looga soo horjeedo shirweynaha Galmudug iyo Ahlusuna ee magaalada Dhuusa-mareeb.

Beesha reer xaaji ayaa ka soo horjeeda heshiiska Ahlusuna iyo Galmudug oo ay u aragto mid dhib ku ah jiritaanka magaalada Cadaado oo caasimad kumaaegaar ah ahayd waxa ayna doonayaa in  maqaamkeeda aan wali la cadeyn,

Banaanbaxan oo ka dhacay wadooyinka waa weyn ee magaalada Cadaado ayaa waxaa horkacayay Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan Maamulka Galmudug, sida ay inoo sheegeen Wariyeyaasha halkaasi ku sugan.

Sidoo kale Banaanbaxayaasha oo u badnaa Haween iyo caruur ayaa waxa ay wateen boorar waa weyn oo ay ku qornaayeen ereyo ay ka mid yihiin doonimeyno heshiiskii Jabuuti, doonimeyno shirka Dhuusa-mareeb.

Caasimada Online

Xafiiska Cadaado

Caasimada@live.com