Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa goor dhow ansixiyay sharciga Isgaarsiinta Qaranka, kaasoo dhowaan uu Baarlamaanka hor-keenay Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Eng. Cabdi Canshuur.
Fadhiga Xildhibaanada ayaa waxaa soo xaadiray 159 Xildhibaan, waxaana kulanka shir Gudoominaayay Gudoomiye ku xigeenka Koowaad Cabdi Wali Sheekh Axmed Muudey.
Sharciga oo maanta galay akhrintiisa 3aad ayaa waxaa loo guda galay in cod loo qaado, waxaana cod gacan taag ah ay Xildhibaanada ku meel mariyeen 158 mudane oo ogolaatay iyo Hal Xildhibaan oo diiday.
Codeynta ayaa waxa ay aheyd qaab gacan taag, waxaana sharciga inuu ansax yahay ku dhawaaqay Cabdi Wali Sheekh Axmed Muudey, Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka.
Wasiirka Boostadda Iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Somaliya Cabdi Canshuur ayaa u mahadceliyay Xildhibaannada Golaha shacabka, maadaama ay si wanaagsan u ansixiyeen sharciga Isgaarsiinta dalka.
Sharciga Isgaarsiinta ayaa ahaa mid muddo soo jiitamayay, waxaana dhowr jeer wax ka bedel ku sameeyeen wasiiradii soo maray Wasaaraddaas, inkastoo aanay ku guuleysan inay Baarlamaanka marsiiyaan.

